IMG_2432Hargeysa(ANN) Maydadkii  13 qof oo ku dhintay  masiibo ka dhacday dhinaca Woqooyi ee magaaalada Hargeysa ayaa galabta la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa. Kadib markii   laba gaadhi oo ay saarnaayeen oo usii jeeday dhinaca dalka Djibouti daad ku qaaday

 

dooxa Agabar ee dhinaca Woqooyiga Hargeysa. Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo gaadiid badan oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa ka qayb qaatay sidii dadkii Mashaqadan ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmayba loogu soo qaadi lahaa Cisbitaalka guud ee Caasimada Hargaysa oo galabta la keenay.

IMG_2484

IMG_2424
Labadaa gaadhi oo ahaa  nooca Land Cruser-ka oo ka baxay magaalada Hargaysa kuna sii jeeday dalka Djibouti oo Allah  ha u naxariistee ay  ku geeriyoodeen  13 qof oo 11 ka mid ahi dumar yihiin kadib markii ay  xalay daad xoogani ku qaaday dooxa weyn ee degmada Agabar oo ilaa konton Km dhinaca waqooyi kaga beegan caasimada Hargaysa.

IMG_2459

IMG_2693

Tirada guud ee dadka rakaabka  ah ee labadaas gaadhi saarnaa ayaa lagu sheegay 29 qof oo u baddan haween, kuwaas oo  dhaawacooda la dawayno  16 qof oo ka badbaaday Masiibadaasi argagaxa badnayd, cusbitaalka  Hargeysa,  wararka qaar ayaa  sheegaya  in la xidhay labadii dareewal  ee labadaa baabuur watay,  isla markaana la baadhayo sababta keentay inay rakaab intaas le’eg ku biimeeyaan dooxa degmada Agabar.
Dhinaca kale boqolaal qof oo ka mid ah eheladaa dadkaa ayaa galabta ilaa caawa kusoo qulqulaya cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka murugooday masiibada ka dhacday halkaa.

IMG_2432
IMG_2452

IMG_2782

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *