https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/886/2?uidval=1268568853

Hargeysa(ANN) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa golaha wakiilada Somaliland usoo gudbisay xisaabxidhkii u horeeyay ee dakhli  miisaaniyadeedkii 2010 iyo qaabka loo isticmaalay kharashkii ku tala galka miisaaniyada ee golaha wakiiladu ansixiyay.  Hanti-dhawrka guud ee

 

Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud   Dheere) iyo saraakiil ka tirsan xafiiska hantidhawrka qaranka  ayaa saaka horkeenay mudanayaasha wakiilada warbixinta xisaab xidhka 2010.
Hanta-dhawrka guud ee qaranka Maxamuud oo buuga warbixinta oo loo qaybiyay mudanayaasha sharaxaad kooban ka bixiyay ayaa sheegay in marka la eego bilawgii miisaaniyadii 2010, ay kusoo beegantay xili kala guur oo marxalad adag iyo doorashooyin laga soo baxay, isla markaana laba dawladood xilka la kala wareegeen.  Wuxuuna sheegay inuu jiray murug weyn oo u dhexeeya qaabka ay wasaaradda maaliyada iyo baanku u macaamili jireen, taas oo muran iyo khal khal gelisay qaabkii wax loo sixi lahaa, wuxuuna tusaale usoo qaatay January  1 2010 oo baanka dhexe ku lahaa dawladda lacag 66,319mly ka baddan, isla markaana uu hanta-dhawrka guud lasoo wareegay xisaabta, iyadoo mudadii ay socotay xisaabtaasi baanku goostay 187Bly, isagoo baanku dawladda sii siiyay xiligaa kharash dhan 142Mly. Laakiin markii xisaabtaasi is dabooli weyday, iyadoo baankuna muujiyay inuu dawladda weli ku leeyahay deyn dhan 21, 744Mly. s/l sh.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/886/4?uidval=1268568853

Maxamuud Dheere  waxa uu sheegay xiligii xukuumadda cusub in August 31 2010, wasaaradda maaliyadu furatay xisaab cusub oo baanka ah. Kadib markii sida uu sheegay ay waayeen qoraalo ama wax heshiis  iyo cadaymo ah oo muujinaya in Baanka iyo wasaaradda maaliyada lacagtaa kala qaateen, isla markaana mugdi badani ka muuqdo.
Hantidhawrka guud waxa uu xusay in miisaaniyadii xukuumadda cusub 2010 ay ku talagalkii dakhli kor u kacay guud ahaan, balse meelaha qaar sidii looga kala filayay hoos u dhacay meelo kalena kor u kacay, isagoo sheegay in guud ahaan dakhliga 2010, sannadkaa 20, 650 Mly s/l sh kor u kacay, halkii miisaaniyada golaha wakiiladu ansixiyeen ee mala awaalku ahaa 310 Bly, isla markaana kharashkii ay goluhu ogolaadeen inay xukuumaddu isticmaasho ahaa 262Bly, iyadoo sida uu sheegay hoos loo riday oo la yareeyay kharshka  xukuumadda 48Bly. s/l sh. Kadib markii la tashiilay kharashkii hore loogu qorsheeyay xukuumadda eek u jiray miisaaniyada 2010 ee goluhu anisixiyeen. Hase yeeshee wuxuu sheegay  in 66Bly oo deyn baanku sheeganayo inuu dawladda ku leeyahay iyo 21Bly oo deynta taagan oo baanku sheeganayo, taas oo keentay sida uu xusay hanta-dhawrku in la fahmo ama lasoo afjaro xisaabtii baanka iyo wasaaradda Maaliyada u dhaxaysay, isla markaana keentay khal khal xisaabeed, maadamaa aanu jirin wax raad ah oo muujinaya inay lacagtaa baanku  u sheeganayaa wasaaradda maaliyada  jirto, wuxuuna xusay inay arrintaa oo weli taagani tahay mid saamayn ku yeelatay xisaabxidhkii sannadkaa, balse ay ka bilaabeen halkii ay ugu tageen oo ah August 31 2010.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/886/2?uidval=1268568853

Warbixinta hanta-dhawrka guud ka dib Mudanayaasha ayaa qaarkood codsadeen sida wax looga weydiinayo xisaab-xidhkaa Hantidhawrka, balse Gudooomiyaha  golaha C/raxamaan Ciro oo fadhigaa gudoominayay ayaa sheegay inay golahu buuga warbixinta xisaabxidhka u gudbinayo Gudida Ilaalinta hantida Qaranka, isla markaana mudanayaashuna dhinacooda kasoo naaqishaan, markaa ka dibna hanta-dhawrka goluhu u yeedhanayo si ay wixii loo baahdo su,aalo uga weydiiyaan. Isagoo dhinaca kalena ku war geliyay mudanayaasha inay fadhiga 27 Sep ee beri  masuuliyiin cusub iyo gudida ansixinta ururada iyo axsaabta hor imanayaan  golaha si cod loogu qaado sidaa awgeed ay yimaadaan mudanayaashu dhamaantood.

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/886/3?uidval=1268568853

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com                      
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *