Hargeysa (ANN)Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay shir lagu darsayay horusocodka siyaasadda dibada Somaliland ee sanadkii la

soo dhaafay isla markaana lagu qiimaynayay wixii u qabsoomay oo lagu qabtay Machadka daraasaadka iyo horumarinta ee Chatham House ee magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirka oo maanta ka soo degay madaarka Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahmiyad weyn u lahaa dalka oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka socday dalal badan oo dunida ku yaalla.
Wuxuuna xusay  inay  siyaasiyiintii iyo dublamaasiyiintii ka soo qeyb galay shirkaasi ay qireen horumarka Somaliland ay gaadhay ee dhinacyada Nabadgelyada, Dimuqraadiyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in cilaaqaadka Somaliland la leedahay adduunku uu sii kobciyo sannadkii u dambeysay ee ay xilka haysay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi oo ka hadlayay ahmiyadda uu shirkaasi u lahaa Somaliland iyo waxyaabaha  kasoo baxay, waxa uu yidhi,  “Waxyaabaha ugu waaweyn ee ka soo baxay waxa weeye inay beesha caalamku ay soo dhawaynayso cilaaqaadka ay Somaliland la yeelatay adduunka sanadkii la soo dhaafay. Waxaana sida laga warqabo ay soo dhaweeyeen inay Somaliland yimaadeen illaa shan Wasiir oo ka socday dalalka qaaradda Yurub.”
“Waxqabsiga Somaliland waxay dunida u muujiyeen in Somaliland tahay dal lala shaqayn karo, waxa shirkan ka soo baxay in la kordhiyo taageerada siyaasadeed ee caalamku siiyo Somaliland, isla markaana laga taageero,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.
Sidoo kale  waxa uu sheegay inuu ku niyadsan yahay in fikirkii adduunku ka haystay Somaliland oo  si weyn isu bedelay,  isla markaana aqoonsiga Somaliland uu yahay mid wakhtigiisii la gaadhay oo xilagan ay raja weyn  xukuumadda Somaliland ka qabto beesha caalamka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *