Hargeysa(ANN) Dugisyada gaarka loo leeyahay ayaa ku gacan-saydhay qorshe xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo usoo jeedisay dhowaan oo ahaa in gebi ahaanba Dugsiyada Dawlada iyo

 

kuwa gaarka loo leeyahay  ay  fasax ahaadaan bilaha July  iyo August, isla markaana dib loo furo bisha Sep ee 2011. Qorshahaa oo ay wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somliland Marwo  Zam Zam Cabdi Aadan ay usoo jeedisay dhowaan maamulayaasha iyo mulkiilayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa dhicisoobay, isla markaana meesha ka baxay. Kadib markii Dugsiyada gaarka loo leeyahay dib u bilaabeen waxbarashadii dugsiyada ee Ardayda bisha August ee ay la kowsatay Ramadaan.
Hase yeeshee Wasiir ku xigeenka Waxbarashada  iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriir  oo caawa u waramayay shebekada Araweelonews ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay  wasaarad ahaan wadaan oo ku saabsan in la sameeyo kalander cusub oo dhinaca waxbarashada Somaliland ah, isla markaana lagu mideeyo gebi ahaanba waxbarshada dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasiir ku xigeenka Cali Xaamud oo shebekada Araweelonews weydiisay sababta uu go,aanka wasaarada waxbarshada eek u aadanaa fasaxa dugsiyada uga fuli waayay dhinaca iskuulada gaarka loo leeyahay waxa uu yidhi, “ Go’aankaasi wuu jiray. Laakiin waxa dugsiyada gaarka loo leeyahay ku doodeen in aan qorshahaasi ahyn mid dhinacooda ka wada suurta gelaya, maadaama loo sheegay xili aanay ku talo gelin oo aanay qorshaha markii hore ku darsan. Sidaa awgeed ma wada fulin oo waxay ku doodeen inay macalimiintu mushahar ka doonayaan bishan Augusta iyo July . sidaa darteed ay ku adagtahay, balse ay hada wixii ka danbeeya u hogaamnsamayaan go,aanka wasaaradda waxbarshada.”
“kolay go,aankii ma wada fulayo oo waxay ku noqotay kediso, waxaana hada  wadnaa in iskuulada laga dhigo dugsiyada sare 36 todobaad  la dhigto sannadkii, Hoose/dhexena 35 todobaad , markaa qoladan barayfatka kolay waxa la dhiganayaa waa labada todobaad ee hore , wixii ka danbeeya waa fasax iyo ciidkii, kuwa ay bilaabeena waa dugsiyada sare fasalada 2aad,  ilaa 4aad ee kuma jiraan fasalada 1aad, mana aha wax muran iyo buuq laga sameeyo. Sidaa awgeed waxan filayaa in sannadka danbe laysla jaan qaadayo. Haddii ay waalidiinta, ama shacabku  arakaan kuwo dhigaya dugsiyada sare fasalka 1aad hanoo soo sheegeen wasaarad ahaan anagaa talaabo ka qaadaynee.” Ayuu yidhi Wasiir ku xegeenka wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cali Xaamud.
Dhinaca kale qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada dawladda ayaa soo dhoweeyay qorshaha dugsiyada dawladda lagu fasaxay, “Anaga markii hore waxay noo ahaayeen dukaan Dugsiyadu, laakiin hadda fasaxoodu waa noo fiican yahay oo lacagtii aanu ka qaadan jiray waa tii dawladu naga joojisay. Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah maamulayaasha dugsiyada dawladda oo shebekada Araweelonews ka codsaday inaan magaciisa la baahin.
Maamulahaa ayaa ku dooday in aanay wasaaraddu waxba ka qaban Karin iskuulada gaarka loo leeyahay oo ah ayuu yidhi, kuwo awood baddan oo aan waxba iskaga tirinayn wasaaradda. Isagoo yihdi, “Wasaaraddu anaga ayuun bay naga adagtahay ee Nimanka dugsiyada gaarka ah leh waxba kama dhegeysanayaan. Waxayna ku xisaabtamayaan lacagta oo fasaxa Ardaydu maaha mid ay dani ugu jirto.”
Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ka walaacsanaa qorshaha xukuumadda ee fasaxa dugsiyada ee Ardayda ayaa boodhadh waaweyn ku dhejiyay goobaha faras maagalaha, kuwaas oo ay ku sheegayaan in si caadi ah loo dhiganayo dugsiyada 1 August 2001, balse waalidiinta ayaa ka hor maalmihii lasoo dhaafay ka walaacsanaa sida ay suurta gal u tahay inay go,aankaa u hogaansamaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, balse waxay si toos ah isaga wateen hawshoodii waxbarasho, iyagoo dib u furay waxbarshadii dugsiyadooda oo la kowasatay August 1, 2011.
Si kastaba ha ahaatee qorshaha xukuumadda ee wasaaradda waxbarshada Somaliland ayaa ah mid ay ku gacan-saydheen dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ah kuwo aan inta baddan wax xidhiidh ah la lahayn manhajka iyo silibiska waxbarshada dawladda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *