Nairobi(ANN)- Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay inay qaar ka mid ah madaxda iyo xildhibaanada wadanka Kenya ay kooxda Al-shabaab ku taageereen lacago boqolaal kun oo shilin Kenya ah. Sida lagu baahiyey wargeyska ka soo baxa Kenya ee Daily Nation, waxa warbixinta
Qaramada Midoobay ka soo baxday lagu sheegay in wasiirka Dalxiiska Kenya Md. Najib Balala iyo xildhibaanada Aamina Cabdalla ay lacago boqolaal kun oo shilinka Kenya ah ugu deeqeen ama ay ku taageereen Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Sheekh Shariif, waxa warbixinta lagu xusay in wasiirka dalxiisku uu lacag gaadhaysa ilaa iyo 200 oo kun oo shillinka Kenya ah oo lagu tallagalay in dib loogu dhiso masaajidka Riyaad ee ku yaal magaalada Nairobi uu ku wareejiyey lacagtaas kulan wax loogu ururinayey Al-shabaab, halkaasi oo uu ku sugnaa xubin lagu sheegay inuu ka tirsan yahay taageerayaasha Al-shabaab oo lagu magacaabo Axmed IImaan Cali, sidoo kale ayaa xildhibaanada baarlamaanka Kenya Amina Caddalla waxaa lagu sheegay inay ku taageertay ururkaas lacag dhan ilaa iyo 500.000 oo Kenyan shilin.
Wasiirka dalxiiska Kenya Md. Najiib Balala oo ah nin muslim ah, ayaa si kulul u beeniyey eedaha la xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, isaga oo xusay in aanay jirin wax taageero ah oo uu u fidiyey kooxdaas, balse waxa uu xusay inuu ka qaybgalay kulan lacago loogu ururinayey masjid lagu magacaabo Pumwani Riyaadh Mosque oo ku yaal magaalada Nairobi. Waxaannu wasiirka dalxiisku caddeeyey inuu ku dhegan yahay islaamnimadiisa, isla markaana jecelyahay diinta Islaamka ee uu haysto.
“Waxaan ku dheganahay diintayda macaan ee Islaamka, waanan ogahay in aan nadiif ahay, waanan wadi doonaa sadaqada aan Illaahay dartii u bixinayo, cidna uga habran maayo, dacaayad la igu sameeyana u joojin maayo,” ayuu yidhi; wasiirka dalxiiska Kenya Md. Nijiib Balala oo shalay ka hadlayey xarun daawayn bilaash ah lagu bixiyo oo ku taal deegaanka uu ka soo jeedo ee Mvita oo ku yaal degmada Mambasa ee wadanka Kenya.
Waxa wasiirku Qaramada Midoobay iyo dalalka reer galbeedka ku eedeeyey inay khiyaamo kula dhaqmayaan dalalka Islaamka ah, isla markaana dunida Carabta ku cabsi gelinayaan sidii ay kaalmooyinka iyo deeqaha loogu talloglaya masaharciida islaamiga ah uga jari lahaayeen bariga dhexe iyo Afrika, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika, isaga oo wasiirka dalxiisku arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi;“Qaramada Midoobay iyo dalalka reer galbeedku waxay ku guuldaraysteen inay wax ka qabtaan budhcad-badeeda oo ka faa’iida reer galbeedka, imikana waxay doonayaan inay muslimka ku cabsi geliyaan inay joojiyaan lacagaha deeqaha ah ee loogu tallogalay in masaajiidada lagu dhiso. Waxaan leeyahay hadaannu nahay muslimiinta waa waajibaadkayaga in aannu caawino dadka fuqarada ah oo aannu deeqaha ku bixino mashaariicda islaamiga ah, gaar ahaan dhismayaasha masaajidada, hawshaasna Illaahay dartii baannu u qabanayaa ee cid aannu u joojinayno iyo cid aannu ka baqanayno oo aan Illaahay ahayn ma jirto.”
Waxa wasiirka dalxiiska Kenya sheegay inuu ka qaybgalay xafaladda lagu eedeeyey ee qaadhaanka loogu ururinayey dhismaha masaajidka Riyad oo ah masjidka ugu da’da weyn masaajidada ka dhisan magaalada Nairobi. “Xafladda qaadhaanka lagu ururinayey waxa igu marti qaaday Sheekh Cabdalla Ndope oo ah guddoomiyaha gudida masaajidka, waxa uu ii caddeeyey in lacagta aan ku deeqay dib loogu dhisi doono masaajidka, arrintaasi oo aan rumaystay, waxaan bixiyey 100 kun oo shillinka Kenya ah, mar kalena waxaan bixiyey 100 kun oo kale, lacagtaasina waxa la dhigay akawnka masaajidku ku leeyahay bangiga Habiib ee ku yaal jidka Koinange ee magaalada Nairobi. Sidaa daraadeed waxa la igu eedeeyey ee ah Al-shabaab ayuu lacag u ururiyey waa dacaayad muujinaysa in laga xun yahay dhismayaasha masaajidada iyo mashaariicda islaamiga ah.”
Waxa wasiirka dalxiiska Kenya Md. Nijiib Balala ku dhawaaqay inuu dacwad ku oogayo cidda qortay warbixinta Qaramada Midoobay ka soo baxday ee lagu sheegay inuu ka qaybgalay xaflad lacag loogu ururinayey kooxda Al-shabaab.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *