New York (ANN) Wasiirka Wasaarada arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa khudbad uu kaga hadlayay marxaladihii ay soo martay iyo wixii u qaboomay  Somaliland ka jeediyay  Jaamacada Howard University ee dalka Maraykanka.Sidaana waxa
lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, kaas oo u qornaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo in muddo ah ku joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ayaa Kulamadiisii ku soo gabo-gabeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacadda Howard University oo ah Jaamacada ugu weyn ee African Amerikanku leeyihiin, kulankaa  waxaa ka soo qayb galay cilmi Baadhayaal sare,  Ardayda iyo dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland.
Dadkii Madashaa  ka soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyada Somaliland iyo Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo iyo Horumarka ay ka gaadhay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Caalamiga ahba.
Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la shaqaynayso Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay sheegtay inay ogolaatay laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku takhasusaan barashada Wadanka Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyada Somaliland ee Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliyadu ku xogwaraysatay Wasiirka ayaa taabanayay Xaalada wadanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba, waxaaanu wasiirku uga xog waramay ujeedada Safarkiisa uu ku yimid Maraykanka.
Safarkan Wasiirku ku tagay Cariga Maraykan ayaa ahaa kii ugu horeeyey inta xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaamiyo  xilka ay haysay, waxaanu qayb ka yahay Dadaalka ay Xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.” ayaa lagu yidhi qoraalka wakiilka Somaliland ee USA.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *