Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka furay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargaysa shir caalami ah oo lagaga hadlayo tayaynta waxbarashada dadka  ku hadala  Af -Soomaaliga. Waxaa shirkan
soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta Waxbarashada ee EDC,  kaas oo socon doona muddo sadex maalmood ah, Waxaana ka soo qayb galay aqoon-yahano, ururada bulshada rayidka ah, Jaamacado badan iyo marti sharaf kale oo ka kala socday Wadamo ka tirsan mandaqada geeska afrika gaar ahaan deegaanada lagaga hadlo luqada Soomaliga.
Waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay madaxa bariga afrika ee hay’adda horumarinta waxbarashada ee EDC Mr. Kent penal iyo madaxa hay’addan ee Somaliland Dr.  Khadar Bashiir Cali oo sheegay in shirkani uu faa’iido balaadhan u leeyahay waxbarashada caruurta ku hadasha af soomaaliga waxaanay tilmaameen in shirkan kii ka horeeyay lagu qabtay dalka Malaawi,  isla markaana sannadkan loogu xushay Somaliland Nabad galyada, nidaamka dawladnimo iyo horumarka ka jira dalka  Somaliland.
Madaxda hay’adda EDC waxay  intaas ku dareen in Somaliland ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta iyo  horumarinta waxbarashada, isla markaana ay hay’ad ahaan wada shaqayn fiican la leeyihiin xukuumadda Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay shirkan caalamiga ah ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay ka qabsoomida shirka ee caasimada Hargeysa, madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay mudadii koobnayd ee ay xukuumadoodu talada dalka haysay ay ku talaabsatay arrimo wax ku ool ah oo ku wajahan dhinaca waxbarashada,  isagoo tusaale u soo qaatay kor u qaadista waxbarashada caruurta iyo tayaynteedaba waxa uu xusay  inay ka daayeen Fiigii ama lacagtii laga qaadi jiray ardayda wax ka barata dugsiyada hoose dhexe ee dalka oo dhan , isla markaana ay sameeyeen komishanka sare ee tacliinta.
Madaxweyne xigeenka Somalilamnd  C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in sadex dariiq ay sahlayaan in ardaydu ay waxbarasho helaan kuwaas oo sida uu sheegay kala ah  helitaanka goobihii iskuulada , macaalimiinta wax ka dhigaysa iyo siyaasada waxbarasho ee lagu maamulayo.
Madaxwayne ku xigeenku  waxa uu u soo jeediyey dhamaanba ka qayb galayaasha shirkani in ka faa’iidaystaan xogta ka soo baxda shirwaynahan isagoo u mahad celiyey hay’ada soo abaabushay shirkan ee EDC. 
Sidoo kale Wasiirada  wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay furitaankii shirkan ayaa sheegtay  sidii Somaliland looga faa’iidaysan lahaa horumarka ay ka samaysay dhinaca waxbarashada gaar ahaan sidii ay ku soo bilaabantay iyo heerka ay haatan marayso oo ay ku sheegtay mid loo baahanyahay in hore looga dhaqaajiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *