Djibouti (ANN) Dawlada Djibouti ayaa sheegtay inay ciidamo u dirayso dalka Somalia ee dagaalada naafeeyeen, kuwaas oo ka qayb qaadanaya hawlgalada loogu yeedho nabad ilaalinta ee ciidmada Uganda iyo Burundi ee AMISOM  ka wadaan halkaa.  Sidaana waxa

Idaacada VOA u sheegay Col Cali Suubane Shirdoon oo ah ku xigeenka Taliyaha sare ee gaashaandhiga Djibouti, isla markaana u xil saaraan ciidamada la geynayo Somalia ayaa sheegay inay  tirada ciidmada ay u dirayaan Somalia noqonay  900 oo askari oo ka socda Djibouti.
Col Cali Suubane waxa uu  sheegay in ciidamadan ay haatan dhameysteen tababarkii iyo qaban-qaabadii ugu danbeysay oo ay diyaar u yihiin in loo diro Somalia si ay qeyb uga noqdaan ciidamada nabad-ilaalinta ee ka socota midowga Afrika.

 


Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Mr. Crisps Keying ayaa maanta socdaal  kedis ah ku tegey  magaalada Muqdisho, waxaana halkaa kusoo dhoweeyay  ku simaha Raysal wasaaraha Somalia , isla markaana ah Wasiirka Gaashaandhigga dawladda taagta daran ee Somalia Mudane Xuseen Carab Ciise iyo masuuliyiin kale.  waxayna Wasiirka Gaashaandhiga Uganda iyo masuuliyiinta soo dhoweeyay kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha ee Rajo, halkaas oo ay ku jiraan kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaraha  iyo macaluusha baahsani. Wuxuuna hadal uu ka jeediyay haween iyo caruur ka mid ah dadka xeradaa ku jira u sheegay  inay dawladiisu la qaybsanay dhibaatada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Mr. Crisps Keying oo warbaahinta uga waramay socdaalkiisa ayaa u sheegay in muhiimad gaar ah ay u tahay dowladdiisa Uganda inuu soo booqdo magaalada Muqdisho oo ay ka joogaan Kumanaan ciidamo Nabad illaalin ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay. isagoo kulan kula yeeshay madaxtooyada masuuliyiinta dawlada taagta daran.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *