Hargeysa(ANN) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Sadexda xisbi qaran ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis ka kooban laba qodob oo ay kasoo saareen maaraynta iyo xal u helida arimaha doorashooyinka golayaasha deegaanka, Guurtida iyo wakiilada.

Qodobada ay masuuliyiinta sadexda xisbi iyo komishanka qaranku   gaadheen waxaa ka mid ah in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda mar la wada qabto.
Heshiiskan Komishanka iyo xisbiyada siyaasada ayaa soo baxay  maalin ka dib markii aqalka Odayaashu ay muddo kordhin dheer u sameeyeen Goleyaasha deegaanka, Wakiilada, isla markaana ay  iyaguna korodhsadeen mudada xilkooda. Qoraalka dhinacyadu ku heshiiyeen ayaan lagu xusin doorashada golaha guurtida iyo xiliga la qaban karo, iyadoo uu qoraalkani wax weyn ka bedelayo muda kordhinta ay shalay soo saareen golaha guurtidu.
 Qoraalka ay dhinacyadu soo wada saareen ee heshiiska arrimaha doorashada  waxa xisbiga KULMIYE u saxeexay Guddoomiyaha Xisbiga,  Muuse Biixi Cabdi, Halka Xisbiga UDUB uu u saxeexay Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo xisbiga UCID uu heshiiska u saxeexay Guddoomiyaha xisbiga, Faysal Cali Waraabe, Komishanka Doorashooyinkana waxa u saxeexay Guddoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka,  Ciise Yuusuf (Xamari).
Qoraalka  heshiiskaa ayaa  u dhignaa sidan:-
“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 08.09.2010 shir ku yeeshay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka saddexda xisbi qaran iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, shirkaa oo daba socday shirar dhowr ah oo is daba socday oo uu ugu  horreeyey shir ay 29.08.2010 ku yeesheen guriga uu degan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Shirkaa oo nuxurkiisu ahaa sidii looga tashan lahaa Doorashooyinka Golayaasha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaarkood xilligoodii doorasho ay muddo dhaaftay, kuwa kalena ay hada gabagabo yihiin, shirkaa oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda labada shirguddoon, madaxda saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkaas oo lagu guddoonsaday inay saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku ay ka soo talo-bixiyaan sidii hawlahaa doorashooyinka iyo kuwa kale oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka wadajir wax looga qaban lahaa.
Haddaba, shirkaas 08.09.2010 lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu lafagurayey qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyadoo la tixgelinayo duruufaha inagu gadaaman xag kasta oo ah, waxa lagu gaadhay.
In saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo bixintii komishanka doorashooyinka Qaranku usoo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu ahaa KDQ/XK/150/2010.
1. In Doorashada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada lagu qaban karo ugu danbayn December 2011.
2. Waxa kale oo Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen in doorashada golaha Degaanka iyo Wakiillada hal mar la wada qabto.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *