Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa maanta ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in hay’ada UNICEF ay gargaar uga keento deegaanada Sanaag bari ee Somaliland xafiiska ay ku leedahay maamul goboleedka Puntland .Wasiirka Arrimaha dibadu waxa
uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaarka Hargeysa ka hor intii wefti uu Hoggaaminayay aanay u kicitimin dalka Imaaraadka carabta oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah, waxa uu xusay in deegaanada Sanaag bari ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana xukuumada ahaan aanay marnaba ogolaanayn in deegaamadaasi oo ay ka taagan tahay xaalad abaareed deeqda loo qoondeeyay loo soo marin karin xafiiska hay’ada UNICEF ee magaalada Garoowe.
Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar waxa uu carabka ku adkeeyay waxa uu sheegay inay waajib tahay in deeqaha loogu tallo galay deegaanada Sanaag bari la soo mariyo xafiiska Somaliland, waxaanu ku dooday inaan la aqbali doonin in gargaarka dalka la keenayo looga soo waarido xafiisyo ka baxsan dhulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu cadeeyay in dawlada Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan muuqata ka gaysato fududaynta iyo gaadhsiinta deeqaha dhinaca abaaraha ee deegaanada loogu tallo galay.
Wasiirka Arrimaha dibada Dr.Maxamed C.laahi Cumar waxa uu ku tilmaamay mid daba socdo safarkii shaqo oo madaxweynaha Somaliland ku tagay horaantii sannadkan dalka isu taga imaaraadka carabta waxaanu sheegay inay dardargelinayaan balanqaadyadii ay dawlada isu taga imaaraadka carabtu u fidisay Somaliland gaar ahaan sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa jiidaha kala duwan ee xaalada abaareed ka jirto. Wasiirka arrimaha dibada waxaa socdaalkan ku weheliya wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan.
Dhinaca kale warar hoose oo la xidhiidha socdaalka wefdiga wasiirada Somaliland ayaa sheegaya inay halkaa kula kulmayaan masuuliyiin ka socda dawladda taagta daran ee Somalia, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *