Hargeysa(ANN)Garabyada Xisbiga UCID ee uu ka dhex aloosan yahay khilaafka cakiran ayaa xalka khilaafkoodu isugu soo biyo shubtay Sharciga iyo Hay’adaha Garsoorka inay ku kala baxaan.Waxaana labada garab ee xisbigaasi u kala jabay hada
dacwadoodu hor taalaa Maxmada Sare ee Dastuuriga ah, iyadoo ay labada dhinacba doonayaan inay ku kala baxaan Garsoorka iyo sharciga.
Labada Garab ayaa waxay kala qabsadeen looyaro mid walba djinaciisa u doodi doona oo difaaci  eedaha garabka kale. 
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay labada garab iyo Maxkamada toona, balse sida lagu baahiyay maanta wargeyska saxansaxo oo kasoo baxa Magaalada Hargeysa  ayaa  sheegay in ay labada Garab ee Xisbiga UCID u kala jabay isu qabsadeen Garsoorayaal, isagoo wargeysku soo xiganaya  warar ay u xaqiijiyeen  ilo wareedyo xogogaal ah oo u dhuun daloola Maxkamadaha, kuwaas oo aan xusin wakhtiga ay bilaabmi doonto dhagaysiga Dacwadaasi.
Dhinaca kale khilaafka Garabyada Xisbiga UCID oo uu marba marka ka dambaysa khilaafkoodu cirka isku sii shareerayo ayaa  lagala quustay dhexdhexaadin iyo maslaxaadba, iyadoo mid walba dhinaciisa ku adkaystay inay ku kala calaf qaadan sharciga iyo Maxkamaddaha, taas oo la filayo inay labada garab mid ka mid ah meesha ka saarto.
Dacwada Maxkamada loo gudbiyey ayaa waxa aad iyagu u daneynaya garabka uu hogaamiyo Aadan Mirre Waqaf, kuwaas oo aaminsan inay sharciga Xisbiga ku taagan yihiin, kuna guulaysanayaan,
Kooxo  Guddiyado ah oo  isu xil saaray inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka labada garab   u dhaxeeya ayaa ku guul daraystay inay isa soo hor fadhiisiyaan garabyadaa.
Qaar ka mid ahaa gudiyada ku jiray hawlaha dhexdhexaadinta ee khilaafka xisbigaa oo uu hogaaminayay Xaaji C/kariim Xusueen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha guurtida Somaliland ugu da’a weyn ayaa caawa shaaca ka qaaday natiijada ergadoodii.
Guddida ergada ah oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Guriga Xaaji Cabdi Waraabe ee magaalada Hargeysa waxay kaga hadleen dedaalkii ergadoodu u gashay sidii labada garab ee xisbiga UCID la iskugu soo dhawayn lahaa iyo sida dedaaladaasi u midho dhali waayeen.
Xildhibaan X. C/kariim  Xuseen Yuusuf (C/Waraabe) oo ka mid ah ergadan ayaa ka hadlay dedaaladii ay sameeyeen, isagoo  yidhi “Guddi is xil qaantay ayaanu ahayn waxaanu markiiba u tagnay Madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna waad mahadsan tihiin ee wada dhexdhexaadinta ayuu yidhi, Wasiirka daakhiliga ee imika is casilay ayaanu u tagnay sidii si leeg ayuu u soo dhaweeyay. Intaasi ka dib waxaanu u yeedhnay Faysal Cali Waraabe waxaanu ku nidhi cadhadaa, wareerkaa , dumarkaa iyo carruurtaas aad kicinayso fadhiisi. Shir baanu la yeelanay waxaanan ku nidhi jooji wixii cay ah iyo qoraalada aad joornaalada ku qorayso oo fadhi oo anaga naga dhursug.”
“Waxa kale oo aanu u yeedhnay dhinacii kale ee ay madaxda u ahaayeen Aadan Waqaf iyo C/raxmaan Cirro  (Gudoomiyaha wakiilada) sadex habeen ayaanu isku soo noqonay. Waxaanu ergo ka ahayn waxa la liqi waayay ninkii Guddoomiyaha ahaa Faysal Cali ee UCID Hoggaamiyaha u ahaa ee tobanka sanadood soo waday in lagu yidhaahdo waanu ku erinay,  isagoo oo aan kursi helin oo wali halkiisii jooga, waxa Faysal la kacay dadkana ku kiciyay markii lagu yidhi waad noo iman waydayoo waanu ku erinay,”ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.
Xaaji Cabdi waxa uu sheegayay inay labada garab ee UCID ugu baaqeen inay midoobaan oo ay ka heshiiyaan khilaafkii dhexdooda yaalay.  isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu nidhi isu tanaasula oo walaalooba oo is cafiya oo Hoggaankiinii sidiisii ha ahaado. Guddi cusub oo laba meelood laga kala dhiso ha samaynina.”
Dhinaca kale, Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay in ergadoodii ay isu dhaafiyeen oo arrintii u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo ka dib markii garabka Aadan Waqaf ay diideen dhexdhexaadintoodii.
“Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha markii garabkii Aadan Waqaf ay diideen ergadayadii,”ayuu yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ahaa gudida Odayaasha ee dhexdhexaadinta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *