-
Published On: Mon, Aug 22nd, 2011

Dr. Gaboose Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo Oo Sharaaxd Ka Bixiyay Sababaha Uu Xilka Uga Tegey Iyo Qorshihiisa Siyaasadeed

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudahaee is casilay todobaadkii hore ayaa markii u horeysay ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha iscasilaada  aan weli laga aqbalin ee uu u gudbiyey Madaxweynaha, muddadii sannadka ahayd ee uu ka mid ahaa

 

Xukuumadda Madaxweyne Siillanyo waxyaabihii ay qabatay, Xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, waxa ka dhiman, Dhaliilaha loo jeediyo Xukuumadda iyo Siyaabaha uu u bilaabayo Ururka uu ku talo jiro inuu sameeyo.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo dhawaan sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda ayaa wareysi uu siiyey Telefishanka Horn Cable ku faahfaahiyey arrimo badan oo la xidhiidha hamigiisa Siyaasadeed iyo siyaabaha ugu haboon in ay Mucaaridku u sheegaan waxyaabaha ay dhaliisha u arkaan, talooyina u jeediyey Xukuumadda uu ka tegay, in kasta oo aan weli si rasmi ah looga aqbalin istiqaaladii uu bixiyey.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ugu horeyn ka hadlaya waxa ku dhaliyey Istiqaaladiisa, waxa uu yidhi “Sidaad ogsoontihiin waxa muddo dheer loolan Siyaasadeed ka jiray in Ururada la furo, markaa anigu waxaan ka mid ahaa ragii odayaasha ahaa ee halgankaa dheer u soo maray inay Waajib tahay in Ururadaa la furo ee saaxadda Siyaasadeed loo ogolaado cidii Muwaadin ah ee doonaysa inay Siyaasada Mustaqbalka ka qayb gasho waxaanu aaminsanayn in sadex xisbi kuw qudhaata ahaayeen oo aanay u furnayn Muwaadiniinta kale fursad qaali ah oo ay u maraan inay ku gaadhaan hamigooda Siyaasadeed.
Ururadaa Siyaasada ayaanu muddo dheer u halgamaynay oo aanu xabsi u galnay kolkii dambena Xisbigii KULMIYE iyo Qaran aanu ku wada galnay Heshiis in haddii ILAAHEY guusha siiyo Xisbiga KULMIYE uu laba qodob u ogolaado Ururkii Qaran, kuwaas oo ah in marka hore la furo Ururadii Siyaasada iyo in laga qayb galiyo Xukuumadda la soo dhisayo, waxaan ILAAHEY ugu mahadnaqayaa in maanta Guushii la gaadhay in Madaxweyne Axmed Siillanyo Madaxweynihii Dalka noqday, waxaanan dadweynaha u sheegayaa in Madaxweynuhu uu fuliyey balantii, markaa fursadaa qaaliga ah ee timid ayaa igu keentay inaan xilkii ka tago oo aan u leexdo inaan ka midho dhaliyo hamigaa Siyaasiga ah ee igu jira, waxaanan dareemayey in wakhtigu soo dhaw yahay inaan labadaa xil ee culus aanan xambaaran karin, waayo adiga oo Wasiir ah markaad dadka kula shirto Arrimo urur waxaad u eekaanaysaa qof laba wajiile ah, markaa si aan hawlahayga ugu madax banaanaado ayaan uga faa’iidaystay jaaniskaa”.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlaya su’aal ahayd sababaha uu inta badan amaanta ugu jeediyo Madaxweynaha, waxa uu yidhi
“Madaxweynuhu Amaanta wuu mutaystay waayo wakhtigiisii ugu badnaa waxa uu siiyey halgankii dib u xoraynta dalkani oo dhiig badani ku daatay, isla markaana dhashay xoriyadani maanta ay ku naaloonayaan guud ahaanba shacbi weynaha reer Somaliland, isla markaana mar kasta aanay niyadiisa ka bixin inuu dalkani horumar iyo Ictiraaf gaadho, markaa taariikhdiisa ayaa ah mid xaqiiqo ah oo aanan anigu u samaynaynin, aniguna isaga ilaa intii aanu halganka ku soo wada jirnay waxaan u arkayey oo aan dareemeyey inuu yahay Oday I ciseeya oo I karaameeya oo aan marnaba ii quudhin wax aniga dhibaato ii
keeni kara, markaa kala tegistaa aanu hadda kala tagnay kumaanu kala tegin wax xanuun ah iyo wax dhiilo ah, fursadan hadda abuurantayna waa tii isku kaayo keentay oo KULMIYE iyo Qaran markii ay heshiinayeen Madaxweynuhu waa uu ogaa inaan hami leeyahay oo aan urur furto, markaa aad iyo aad waxaan ugu amaanayaa talaabadii geesinimada lahayd ee uu ku dhaqaaqay, waxaanan aaminsanahay inuu taariikhda dambe ku geli doono talaabadaasi geesinimada leh ee uu ku dhaqaaqay.
Xaqiiqdii umaan furan Ururka inaan Madaxweynaha is haysano ee waxaan u furtay dariiq aan ku socday oo aan inuu umadda guul gaadhsiin karo Madaxweynahana waxaan ILAAHEY uga baryayaa inuu xilka ku asturo.
S: Waxa iska soo daba dhacaya hadalo oo Saxaafada qaar lagu qoray inay Iscasilaadaadu ka dambaysay culays kaaga yimid Dalalka Debada, qaar waxay sheegayaan in Madaxtooyada arimo canaasiir ah aad iskaga hor timaadeen, arimahaa ay warbaahintu kaa qoreyso marka la isku soo geeyana dareen noocee ah ayaad ka qaatay?
J:Waxa nasiib darro ah horta warbaahinta qaarkood inay aad iyo aad uga dhaceen qiyamkii iyo midhihii Warbaahintu u baahnayd, waayo hubka ay gacanta ku hayaan oo ah hub aad u culus, markay been u isticmaalaan, markay qof kale nacaybkii u isticmaalaan, iyagu waxay u haystaan inay qof kale wax yeelayaan, waxaanay garan doonin aayo xumada ay ku reebi doonto.
Dadka reer Somaliland maalintii ay dalka soo galeen ilaa maanta kuma ay gaadhin faro gelin shisheeye, waxay ku gaadheen dhaqan ay leeyihiin, isku tanaasul.
Qaranka Somaliland oo ku dhex yaala mandaqad holcaysa oo ILAAHEY nabad ka dhigay, guusha ugu weyna ay tahay inay Somaliland ka badbaaday faro gelin shisheeye oo debeda kaga iman karta oo jihayn karta oo aan filayo haddii ay taasi iman lahayd inay ta Muqdisho mid ka daran ay ka dhici lahayd halkan, markaa meesha waxa yaalaa maaha faro gelin shisheeye”.
S: Waxaad ka tirsanayd Xukuumad oo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Siillanyo Xukuumaddaasi waxa la sheegaa oo ay Saxaafadu ka qortaa in muddadaa ay jirtay ay khaladaad badan gashay, khaladaadkaana waxa ka mid ah Wasaaraddaha laftigooda oo iska hor imaada, haddii aynu tusaale u soo qaadano markii Xukuumadda la dhisay Wasaaraddii Kaluumeysiga iyo Maaliyada waxa ka dhex dhacay khilaaf, markaa waxyaabaha noocaas ah ee iska hor imanayey, markaa Xukuumaddii aad ka tirsanayd waxa lagu dhaliili jiray nidaamka ay u shaqaynaysaa inuu khaladaad badan ku dhex jiray, adigu intii aad ku dhex jirtay khaladaadkaasi marna ma kuu muuqdeen?
J: Horta waxa jira sida Ingiriiska iyo Mareykanka qarniyey soo dhismayeen, maalinba salaan ayey hubinayeen inuu qarankii dhismay, maalin walba shuruucda ayaa wax laga bedelayey ilaa markii dambena ay gaadheen heerkaa ay maanta joogaan, markaa Somaliland waa dal curdin ah oo imika dhisanaya haykalkiisii Dawladdnimo, waana dal ku socda inuu cagihiisa isku taago, markaa sida ilmaha socodka barana ay ka dhic dhici karto khaladaad, waxaanan aaminsanahay in ay khaladaad dhici karaan.
Maxaa loo galay khaladna in la yidhaahdo maaha, waayo ma nihin dal weyn oo shuruucdiisu dhisan yihiin oo muddo badan jiray, anigu waxaan qabaa si aynu u gaadhno himilada aynu doonayno inaan khaladaadka dhaca aan la weynayn, haddii aynu khalaadkeena ka dhigno waxyaalo waaweyn dib ayaynu u dhacaynaa, halkaana halgankii kumaananka qof ku dhinteen ayaa waxa uu noqonayaa mid si fudud ay dhibaato u gaadhi karto, mana diidanin in khaladka la isku sheego la isa saxo laakiin waa in si wanaagsan loo gudbiyo oo aan turxan lahayn.
S: Ma lagaala tashaday Arrimaha Magalaada Laascaanood wakhtigaas oo aad ahayd Wasiirka Daakhiliga?
J: Horta dal ahaan Qaranku waa hal shay oo mideysan.
Qaranku Hogaan ayuu leeyahay Hogaankuna waa Madaxweynaha, Madaxweynuhuna Dastuurka iyo xeerarka ayaa siinaya qaabka Maamul ee dhibaatooyinka ka hor yimaada uu uga baxo, arintan Laascaanood waxa weeyi arin gogol Nabadeed la fuliyey, gogoshii Nabadeedna waxa carqaleedayey dad Habeenkii u soo dhacayey Masuuliyiintii Maamulka oo Masaajidada lagu tookanayey, markaa duruuf adag ayaa timid duruuftaa adag ayaa waxay abuurtay jawi maamul oo cusub, kaas oo xal loogu raadinayo Qaranka, isla markaana loogu daneynayo.
S: Xukuumadda hadda jirtaa ma kula tahay inay sii wadi karto hogaanka hogaanka talada dalka?
J: Horta way iga go’antahay inaanan Xukuumaddani ku noqon doonin wax naxli ah, waxa weeyi Sanad bay jirtay, Sanadkaa waxaan aaminsanahay in Guulo iyo talaabooyin waaweyn gaadhay, waxa kale oo aan aaminsanahay Balanqaadyo uu Madaxweynuhu u balan qaaday wakhtigii Doorashada inuu wax badan fuliyey, waxaan aaminsanahay in Wasiir kastaa isku dayey in Wasaaraddiisa inuu horumar gaadhsiiyo, isaga oo Madaxweynuhu xushay dad aqoon yahan ah, markaa anigu waxaan is leeyahay talaabooyin waaweyn ayay qaaday, toban sano ayey Dawladdii naga horeysay balan qaadaysay inay Burco ka bedesho lacagtii Giimbaarta, markaa anigu waxaan is leeyahay talaabooyin wax ku ool ah ayey qaaday, labaatan sano ayaa laga hadlayey in mushaharka Shaqaalaha la kordhiyo, hal sano gudahood ayaa lagu kordhiyey, Dugsiyada Dawladda ayaa Bilaash laga dhigay oo dadka danyarta ah ay Xukuumaddu u danaysay, talaabooyin fara badan ayay qaaday, Caaglihii iyo Musuqmaasuqii ayay dabar jartay, markaa Xukuumaddu haddii ay khalad gasho waa binu aadmi waa inaynu ku dedaalnaa inaynu toosino.
S: Umadda reer Somaliland waa dad aad u arka wixii yar ee khaldama, waxa jirtay baryahan dambe dadka qaar waxay dhaliilaan Madaxweynihii ay doorteen in cid gaar ahi ka soo horeyso oo aan isagaba la arag, halkaasi oo kale miyaanay habooneyn in Madaxweynaha lagala taliyo oo la yidhaahdo cidan gaarka ah ee Magacaagii adeegsanaysa kuna dilaalaya dee umadda ka qabo aday ku dooratee, idinku miyaydaan khaladaadkaasi oo kale u sheegi karin?
J: Umaddani waxay dooratay Madaxweyne, Dastuurkuna waxa uu Awooda umaddeed u igmaday Madaxweyne, wixii maamul ahaan ka dhaca ee khaladaad ah Madaxweynaha ayaa ka masuul ah, Wasiirku waxa uu hayaa xil uu Madaxweynuhu u igmaday, Madaxweynahana waxaan kula talin lahaa inaanu ku soo hoos dhuuman Siyaasi dano gaar ah leh oo cunsiyar ku noqda xasiloonida.
S: Waa maxay Ujeedada ka dambaysa Shir Beeleedyada muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya dalka, madaama oo aanay Dawladdihii idinka hareeyey aan loo maqli jirin shir beeleedyo?
J: Dawladdii inaga horeysay cabudhiskaa ku badnaa oo Bulshadu way baqaysay, anagu dooni mayno inay abuuranto bulsho cabsanaysaa oo Xukuumaddoodii ka baqaya, waxaanu doonaynaa inay shacabku noqdaan bulsho dareensan inay Xukuumaddu toodii tahay oo waa la is qancinayaa, Somaliland dhaqan iyo haykal bay leedahay, isku tanaasul in dadku wax kala dhagaystaana waa mid muhiim ah, waxa jirta Madaxda Qaranku iyaga laftigoodu beelo ayay ka yimaadeen, iyaga laftigooda waajib ayaa saaran maaha in ay daawadaan.
S: Waxa jirta masuliyiin Xukuumadda ka tirsan qaarkood inaanay garanayn dadka ay ka soo jeedaan oo intooda badana ku shaqeeyaan nidaamkii dalalkii ay ka yimaadeen ee hawlihii Dimuqraadiyada, isla markaana aanay la socon Arrimaha Gudaha Somaliland?
J: Waxaan doonayaa inaan ku fahansiiyo Xildhibaanku Todobaad walba waxa uu tagaa meeshii laga soo doortay si uu dadkiisa baahidiisa u ogaado, waxaan aaminsanahay ninka Wasiirka noqonayaa inaanu ahayn nin xaashi iyo qalin Qaranku u dirsaday, waxa weeyaan hogaan siyaasadeed, waxa laga shaqeynayaa waa Siyaasad Siyaasadna waxay leedahay ku dhac umadd badan ay ku dhacayso go’aankiisu, sidaa awgeed waa inuu noqdaa Siyaasi Bulshada ku dhex jira maaha inuu Beeshiisa ku dhex jiro beelaha kaleba Masuuliyad baa ka saaran, markaa waxaan qabaa in Xildhibaanadeenii meelihii laga soo doortay inay ka gaabiyeen, markaa waxaan qabaa in Madaxweynuhu uu baxo oo Bulshooyinka la dhex galo oo laga war hayo gar baanay u leeyihiin, markaa waxaan leeyahay Bulshadu wax way taban kartaa, in la dhagaystaana waa qaabka aynu ku bislaanayno, markaad dhagaysan waydana cabudhis iyo qarax ayaa imanaya.
S: Waxay Warbaahintu qoraysay in Wasiir Gaboose la shiray Beeshiisa, haddii aa la shirtay waa maxay ujeedada aad ula shirtay?
J: Xaqiiqdii waxa jecelahay inaan Madaxweynaha u xaqiijiyo inaan jeclayn in laba qof noqdo, qof isagana u dhaartay iyo Qarankiisa oo Wasiirnimo ugu dhaartay hoosna ka wada Urur Furasho iyo wax noocaas ah, waxaan xasuustaa Burco aniga oo maraya ayaa la iga qorayey Ceerigaabo aniga oo maraya ayaa la iga qorayey, fili maayo Ceerigaabo dhexdeeda inaan laba qof kula hadlay fagaare aniga oo ka cararaya kuwa naxliga iyo beenta qor qoraya, waar dalku waa socdaa dulqaadkuna waxa uu ka mid yahay waxyaabaha dalka horumariya, haddii dhanka khariban Mucaaradnimo laga dhigto oo ay Bulshada Warbaahintu u qurxiso inay cayda ku gaadhayso guusha, Madaxweynahana shan sano ayaa la doortay shantiisaa sano oo aan dhamaan cid kale ma imanayso”.
Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>