Nairobi (ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sam Ongeri, ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay lagu weeraray  Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay

xilligaa kulan ku lahaayeen Madaxweynaha cusub ee la doortay, Wasiirka Arrimaha debeda Kenya iyo masuuliyiin kale.
oo ayaa ka hadlay
Qaraxaa oo lagu bar-timaameedsaday Madaxweynaha cusub ee Somalia, balse aan u fulin sidii loo qorsheeyay, waxa uu wasiirka arrimaha debeda Kenya Mr Ongera oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi si cad  u sheegay in qaraxaas uu wax ka oggaa Madaxweynihii hore ee lagaga guulaystay doorashada Sheekh Shariif Sh. Axmed, wuxuuna ku tilmaamay qaraxaa mid muujinayay loolan  dhinaca awooda ah oo siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha dibada kenya, waxa uu  sheegay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yimi  Hotelka wax yar kadib markii qaraxu dhacay, isagoo ku sifeeyay shucuurtiisa mid  aanay ka muuqan wax dareen naxdin ah, isla markaana u muuqday  sidii qof aan dareensanayn inay  wax ka dhaceen goobta.

Dhinaca Mr. Ongera, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore Sh. Shariif uu la soo xidhiidhay  ka hor inta aanay  dhicin doorashada, isla markaana ka codsaday dawlada kenya inay ku taageeraan isaga doorashada Madaxweynaha, si dib loogu soo doorto,  laakiin ay  uu sheegeen si cad  in Kenya aanay taageereyn Musharax gaar ah, balse ay eegeyso natiijada ka soo baxda doorashada Madaxweynaha.

Dawlada Kenya waxay  Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Shariif isku maandhaafeen Ciidamadeeda soo galay gobolada koonfurta Somalia Oct 2011, taas oo Sh. Shariif si cad uga horyimi, isla markaana ay ku kala qaybsameen isaga iyo raysal wasaarihii xiliggaa Cabdiweli, balse ay ciidamada dawlada Kenya khasab kusoo galeen, iyagoo ku doodaya inay amaanka dalkooda khatar ku yihiin kooxda Al-shabaab. sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay inay ciidamadoodu galaan gudaha Somalia, kuwaas waqtigan dagaalo kula jira kooxda Al-shabaab.
.Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *