Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo loo qorsheeyay in laga  hirgelinayo Bariga magaalada  Hargaysa, kaas oo  lagu daryeelayo Caruurta Aggoomaha Somaliland. Mashruucaa oo ay maalgelinay

 

dawlada Kuwait, ayaa lagu qiyaasay lacagta uu ku kacayo 3 Milyan oo lacagta dollarka Maraykanka ah, waxa xadhiga dhagax dhigay  madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa  munaasibada loo qabtay Xafladii dhagax-dhiga  ka qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda  Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maayarka Caasimada Eng. Jiciir  iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, wakiilo ka socday Hay’adda maalgelinay mashruuca ee dalka Kuwait  iyo marti sharaf kale.

Dhismaha  mashruuca xarunta cusub ee Agoomaha, waxa loo qorsheeyay  in  lagu xanaaneeyo ilaa 1000 caruurta Agoomaha Somaliland, waxaana lagu qiyaasay  lacagta  ku baxaysa  sadex Milyan oo Doolar, taas  oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, iyadoo dhismaha xaruntu yeelanayo qaybo isugu jira  Hurdo,  waxbarasho,  Cisbitaal iyo dhamaan adeegyadii loo baahnaa ee oo dhamaystiran.
qaybahiisii wada leh.duwan, , Duqa Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale. Waxa kale oo xafladaasi goob joog ka ahaa wefti ka socday dalka Kuweyt.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaa ayaa uga mahad-naqay dawlada Kuweyt kaalmada mashruucaa  ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan caruurta Aggoomaha iyo ahmiyada ay u leedahay bulshada,  wuxuuna usoo jeediyay  dadka inay ilaaliyaan xaruntaa oo mustaqbalka ubadka Somaliland wax weyn ka taraysa, isla markaana marka la dhamaystiro lagu wareejinayo xukuumadda Somaliland. sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu  sheegay in mashruucani  fursado shaqo u abuuri doono da’yarta reer Somaliland ee wax baratay, kuwo kalena lagu bar-baarin doono.

Sidoo kale Wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Maaliyadda oo ka hadlay xafladaa,  ayaa uga mahad-celiyey dawlada  Kuwayt ee mashruuan fulinaysa,  iyagoo  bulshada Somaliland  usoo  jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta Aggoomaha ah ee Somaliland.

Dhinaca kale Dr.  Khalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii dawlada Kuweyt ee ka  qayb galay munaasabadda dhagax-dhiga  mashruucaa ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso,  kuwaas oo lagu taageerayo bulshada  Somaliland.
Maaha Mashruucii ugu horeeyay ee Dawlada Kuwait ugu deeqdo Somaliland, balse mashruuc ku kacaya 10Mly oo dolar ayay hore ugu deeqday Somaliland, kuwaas oo dib u dhis iyo casriyayn madaarada Hargeysa iyo Berbera ee diyaaradaha loo qorsheeyay, isla markaana dhowaan laga bilaabay madaarka Hargeysa fulinta mashruucaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *