Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan la doortay  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga jawaabay  eedeyn  wasiirka Arrimaha debeda Kenya Sam Ongeri kula xidhiidhiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu wax ka oggaa

 

qaraxii ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho Arbacadii la soo dhaafay, kaas oo la doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweynaha Somalia. 

Hase yeeshee  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada  ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro eedeyntii loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee lagula xidhiidhiyay qaraxaa, taas oo uu ku tilmaamay gef cad oo ay dawlada Kenya kula kacday sharafta iyo karaamada madaxweynihii hore ee Somalia, wuxuuna xusay inay xidhiidh la sameeyeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Kenya oo ay u sheegeen inuu warkaasi ahaa mid khaldan, isla markaana balanqaadeen inay raali gelin ka bixiyaan.

Madaxweynaha cusub ee Somalia, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi,“Waa in ay cadeeyeen wararkii ay qoreen warbaahinta dalka
Kenya Sheekh Shariif waa shaqsi soo qabtay mas’uuliyada dalka waxa uu naga mudan yahay xushmad dowladda Soomaaliya waxaa ka saaran Mas’uuliyada in ay dhowrto sharafta Madaxweynihii hore umana dul qaadan doono in meel looga dhaco sharaftiisa shacabka iyo dowladda Soomaaliya waa uu ku weyn yahay Madaxweynihii hore” ayuu yidhi Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Muumin.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee lagaga guulaystay doorashada Somalia Sheekh Shariif, ayaa jawaab ka bixiyay eedaynta wasiirka Arrimaha debeda Kenya kula xidhiidhiyay qaraxaa, balse Wasiirka arrimaha debeda Kenya Mr. Sam Ongeri, ayaa ku dooday in laga been abuuray warkaa eedaymaha ahaa ee uu Sh. Shariif kula xidhiidhiyay qaraxii Huteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *