Nairobi (ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sam Ongeri, ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay lagu weeraray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay
xilligaa kulan ku lahaayeen Madaxweynaha cusub ee la doortay, Wasiirka Arrimaha debeda Kenya iyo masuuliyiin kale.
oo ayaa ka hadlay
Qaraxaa oo lagu bar-timaameedsaday Madaxweynaha cusub ee Somalia, balse aan u fulin sidii loo qorsheeyay, waxa uu wasiirka arrimaha debeda Kenya Mr Ongera oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi si cad u sheegay in qaraxaas uu wax ka oggaa Madaxweynihii hore ee lagaga guulaystay doorashada Sheekh Shariif Sh. Axmed, wuxuuna ku tilmaamay qaraxaa mid muujinayay loolan dhinaca awooda ah oo siyaasadeed.
Wasiirka Arrimaha dibada kenya, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yimi Hotelka wax yar kadib markii qaraxu dhacay, isagoo ku sifeeyay shucuurtiisa mid aanay ka muuqan wax dareen naxdin ah, isla markaana u muuqday sidii qof aan dareensanayn inay wax ka dhaceen goobta.
Dhinaca Mr. Ongera, waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore Sh. Shariif uu la soo xidhiidhay ka hor inta aanay dhicin doorashada, isla markaana ka codsaday dawlada kenya inay ku taageeraan isaga doorashada Madaxweynaha, si dib loogu soo doorto, laakiin ay uu sheegeen si cad in Kenya aanay taageereyn Musharax gaar ah, balse ay eegeyso natiijada ka soo baxda doorashada Madaxweynaha.
Dawlada Kenya waxay Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Shariif isku maandhaafeen Ciidamadeeda soo galay gobolada koonfurta Somalia Oct 2011, taas oo Sh. Shariif si cad uga horyimi, isla markaana ay ku kala qaybsameen isaga iyo raysal wasaarihii xiliggaa Cabdiweli, balse ay ciidamada dawlada Kenya khasab kusoo galeen, iyagoo ku doodaya inay amaanka dalkooda khatar ku yihiin kooxda Al-shabaab. sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay inay ciidamadoodu galaan gudaha Somalia, kuwaas waqtigan dagaalo kula jira kooxda Al-shabaab.
.Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com