http://www.governors.org.ua/hmns/ahmet.jpgIstanbul(ANN) Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davutolu ayaa sheegay inay dawladiisu wado wadahadal qarsoodi ah oo loogu kala dabqaadayo Kooxda Al-shabaab ee dhowaan ku biiray Ururweynaha Al-Qaida iyo dawladda taagta daran ee Somalia, si miiska wada hadalka

 

ay u yimaadaan.
Ahmet Davutolu, wuxuu kaloo ka hadlay shirka dhowaan dalkiisu qabanayo ee arrimaha Somaalida, kaas oo sida uu xusay fursad ay ka heli karto Somaliland oo uu si si gaara ugu majeertay deganaansho iyo xasilooni.
Wasiirka arrimaha debeda Turkiga, wuxuu sidaa ku sheegay, isagoo u waramaya  telefishanka NTV ee dalka Turkiga maalintii shalay, isagoo sharaxaad ka bixiyay qaban-qaabadda shirka Soomaalida ee lagu qabanayo bisha June sannadkan magaalada Istanbul.
Mr. Davutolu ayaa sheegay inay shirkaa ku soo martiqaadayaan dhammaanba qaybaha siyaasadda iyo Dhaqanka ee degaanada ay soomaalidu ka kooban tahay, wuxuu sheegay inay dawladiisu ku jirto wada-hadalo ay iskaga dab-qaadayso kooxda xagjirka ah ee Alshabaab iyo Dawladda TFG-da, kuwaas oo sida uu sheegay rajo ka qabo in labadaasi dhinac ay wax isla meel dhigaan ka hor intaan la gaadhin bisha August oo la soo dhisi doono Dawlad wadaag ah.

wuxuu sheegay in shirka Istanbul uu xoojin doono kii Feb, 23 2012 London ka dhacay,  isla markaana la daraasadayn doono qodobadii lagu gaadhay shirkaa wixii ka fulay iyo waxyaanabaha loo baahanyahay in la qabto.

Wasiirka arrimaha debeda Turkiga mar la weydiiyay Somaliland oo hore ugu dhawaaqday inay ka madax banaanatay Soomaaliya inteeda kale wuxuu yidhi,  “Somaliland waa gobol xasiloon oo tusaale u ah Soomaaliya inteeda kale, waana sida ay beesha caalamku doonayso inay Soomaaliya qaadato tallaabada Somaliland  qaadatay, arrinta madax banaanida Somaliland waa mid u taalla Soomaalida dhexdooda wixii ay ka yeelayaan, waxaana hadda socda wada hadalo arrinta ku saabsan oo ay wadaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Dawladda ingiriisku” ayuu yidhi.

Dhinaca kalana Mudane Tony Baldry oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Britain kana mid ah guddida wada jirka ah ee saaxiibadda Somaliland ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay ka wada shaqaynayaan dawladaha Britain, Turkiga iyo  Qaramada Midoobay,  kaas oo sida uu xusay ah in Somaliland loo bandhigo maamul hoosaad (semi-autonomous), maamul hoosaadkaa  oo dammaanad qaadaya xorriyadda siyaasadda, dhaqaallaha iyo arrimaha bulshada ee Somaliland,  balse aan ahayn madax banaani rasmi ah ee sida ka  jasiirada Zanzibar oo kale ah.

Khubaro ku xeel dheer Arrimaha Soomaalida ayaa la rumaysan inay ajandaha Kulankaasi durbadiiba qeybo ka mi ahi loo sheegay. Madaxweynaha Somaliland  Mr. Silaanyo, ayaa la rumaysan yahay inuu hayo ajandaha shirkaa, iyadoo uu maalmihii lasoo dhaafay  la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Augustine Mahiga oo todobaadkan  mar ay Hargeysa ku kulmeen isla soo qaadeen arrimaha shirkaa. Laakiin xukuumadda Siilaanyo ma sheegin inay ka qaybgelay shirkaa iyo in kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *