Netherland(ANN) Madaxweynihii hore ee waddanka Liberia, Charles Taylor, ayaa maxkamadda caalamiga ee the Hague waxay ku heshay danbi ah inuu gacan siinayay, isla markaana dhiiri gelinayay jabhaddii Sierra Leone ee (RUF). Intii uu halkaa ka socday dagaalkii sokeeye 1990,  balse  Ciidamada

Britian ayaa soo  fara geliyey  Sierra Leone,  iyadoo jabhaddii RUF ay dalka intiisa badan gacanta ku hayeen.
Dacwad oogaha waxa uu sheegay ninka aabaha u ahaa ololahaasi aragagixo inuu ahaa Charles Taylor oo xilligaasi ahaa Madaxweynihii Liberia. Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in Charles Taylor, ujeedadiisu ahayd inuu ka macasho dheemanka Sierra Leone. Laakiin Gabadha Modelka ee Naomi Campbell ayaa loogu yeedhay inay caddeyn bixiso maxkamadda horteeda. Waxaa lagu eedeeyay inay ka qaadatay dheeman xaaska Taylor mar ay ku kulmeen xaflad samafal oo uu martigeliyay Nelson Mandela 1997.
Naomi Campbell waxa ay maxkamadda u sheegtay in aanay ogeyn halka ay ka yimaaden dhagxaanta yar ee wasakhda badnaa. Waxaana xaaska Taylor ay sheegtay inay been tahay in marna aanu ka ganacsan hub ee dheemanka Charls.
Dagaalkii Sokeeye ee Sierra Leone waxa waday jabhado, dadka si xun u dilayay, burburinayay magaalooyinka iyo tuulooyinka. Robin waxa uu sheegay in Taylor uu lacag ka heli jiray Madaxweyne Qaddaafigii Libya ee la dilay. Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu talada qabtay in dadka Liberia ay rajeynayeen in waa cusub u beryay. Robin White oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Liberia ayaa sheegaya in Taylor uu ahaa nin aftahan ah, oo soo jiita dadka kasoo horjeeda.
Weriyaha BBC Mark Doyle waxa uu sheegayaa in jabhadda Sierra Leone ay carruurta ku qasbi jireen dagaalka. Laakiin Robin White oo tifaftire ka ahaan jiray Focus on Africa ayaa sheegay in mar walba Taylor uu ku adkeysan jiray in aanu wax danbi ah gelin. Caaqil jooga Sierra Leone ayaa sheegay in xukunka Maxkamaddu uu sii xoojinayo xidhiidhka iyaga iyo Liberia.
Taylor waxa la filayaa inuu xabsigiisa ku qaato Britain, iyada oo dowladda Netherland ay oggolaatay oo keliya inay marti geliso maxkamadda. Qareenka Charles Taylor ayaa sheegay in weligiisba uu ahaa shaqsi aanay saameyn ku yeelan arrintani, maanta uu muujiyay sidaa.
Dad baddan oo Afrika iyo dunida kale kala jooga oo shaashadaha si toos ah uga socday dacwada Charles ayaa soo dhoweeyay,  iyagoo ku tilmamay mid looga baahanyahay afrika oo dhan,   “cadaaladda maanta looma fulin oo keliya dadka reer Sierra Leone, ee waxa loo fuliyay Afrika oo dhan”.ayuu yidhi mid ka mid ah dadkaa oo BBc-da la hadlay.
Agaasimaha hey’adda Angela Spaid ee Save the Children Sierra Leone, ayaa sheegay in dhacdada maanta ay meel dhigeyso dambiyadii ugu darnaa ee carruurta laga galo wakhtigan casriga ah.
Magaalada Freetown dadku waxay kumanaan dad ahi isgu soo baxeen goobaha shaashadaha telefishanada ee maqaaxiyaha lagu cunteeyo iyo goobaha wax laga cabo, iyagoo doonayay inay daawadaan  go’aanka maxkamada, kuwaas oo markii lagu dhawaaqay xukunka ay dadka si weyn u muujiyay dareen farxadeed.
Kooxda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay xukunka mid farriin muhiim ah u diraya madaxda sare ee dowladdaha. Laakiin Kooxda u doodeysa waxay sheegtay in hogaamiyaha hore ee Liberia ay shirqool siyaasadeed ku sameeyeen dalal reer galbeed ah, kuwaas oo ka hortagaya in Charles Taylor uu ku laabto awoodda galbeedka Afrika sida ay ku doodayaan.
Dad lagu qiyaaso inay ka baddan yihiin 50,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Sierra Leone intii uu socday, halka kumanaan ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood jidhkooda la googooyay.
2006 ayaa la xidhay Charles Taylor oo la geeyay the Hague si maxkamad loo saaro. Wuxuuna mar  walba beeniynayay inuu hubeeyay jabhadii la dagaallamaysay Sierra Leone. Charles Taylor waxay dacwaddiisa ka furantay Hague June 2007. Iyadoo lasoo gebagebeeyay maanta.
Charles Taylor waa hoggaamiyihii ugu heerayay ee dal soo xukuma ee maxkamadda Hague ay danbi ku hesho. Taylor waxa la filayaa inuu xabsigiisa ku qaato Britain, iyada oo dowladda Netherland ay oggolaatay oo keliya inay marti geliso maxkamadda. talaabadan ayaa la filyaa inay cabsi geliso madax-badan ee dunida ah, kuwaas oo haddii ay tacadiyo sameeyaan inta ay xukunka hayaan sidan oo kale loo soo taagi doono maxkamadda caalamiga ah, balse waxa jira wadamo badan oo aan aqoonsanayn maxkamadda denbiyada dagaalka ee Hague, kuwaas oo u arka inay wadamo gaar ahi cida ay doonaan kaga aargoostaan, isla markaana aan lagu sheegi karin maxkamadd caalami ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *