Somalia(ANN) Xarakada Al-shabaab,  ayaa  markii u horaysay ka bixisay jawaab kooban wararka tan iyo badhtamihii March warbaahintu qaadaa dhigaysay ee lagu sheegay inay kooxdaasi dileen Omar Hammami oo loo yaqaanay Abu Mansuur Al-ameriki oo ahaa nin haysta dhalasho maraykan ah oo

ka mid ah muhaajiriinta ka garab dagaalama kooxdaa.
Qoraal kooxban oo maanta lagu baahiyay shebekada mid ka mid ah shebekadaha dhinaca Inter-netka ee taageera kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay jawaab kooban oo lagu baahiyay in Al-amriki aanu wax dhibaato ah qabin,  isla markaana uu si deganaan leh ugu nool yahay qeybo ka mid ah Wilaayaadka Islaamiga ah ee dalka Somaliya. Iyadoo lagu yidhi, “Abu Mansuur Al-amriki balaayo ma qabo..si nabad ah ayuu u nool yahay, waa been in dil iska daayee xittaa dhibaato loo geystay”  ayaa lagu yidhi qoraalkaa kooban.
Jawaabta Al-shabaab ayaa ka danbaysay  markii ay mudooyinkan warar si weyn dunida ugu faafay sheegeen  in la dilay ninkaa oo ahaa hogaamiyayaasha Al-Qaida oo ka barbar dagaalama kooxdaa.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa faalloouin ka bixinayay  todobaadyadii lasoo dhaafay wararka sheegayay inay Al-shabaab dishay Omar Hammaami oo caan ku ahaa Abu Mansuur Al-ameriki , balse jawaabta xiligan ee Al-shabaab ayaan la rumaysan karin inuu noolyahay Al-ameriki, sababtoo ah waxay qaadatay mudo dheer inay beeniyaan ama xaqiijiyaan wararkaa.
Sirdoonada Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in ay baadhayaan warar la xidhiidha  in la dilay Abu Mansuur Al-amriki ka dib markii warbaahinta aduunku faafisay warka lagu sheegayo inay kooxda Al-shabaab dileen Al-ameriki. Laakiin may jirin cadaymo muujinaya inuu warkaasi xaqiiq ahaa. Sidoo kale jawaabtan ayaan la rumaysan karin ilaa war cad uu bixiyo Al-ameriki oo uu ka hadlo noloshiisa

Al-amriki 17 March 2012 wuxuu  cajalad Video ah oo Internet-ka uu soo dhigay, ku sheegay  cabsi in uu ka qabo dil kaga yimaada Mujaahidinta, taas oo ay  Al-shabaab deg-deg uga jawaabeen una beeniyeen. Waxayna waqtigaa sheegeen inay baadhayaan arrintaa iyo waxa ku kalifay Al-ameriki inuu Twitter-ka ku faafiyo fariintaa. Laakiin maalmo ka dib ayay soo baxeen warar sheegay in xabsiga la dhigay dib danbe warkiisa looma maqal, sidoo kale maalmo yar ka dib ayay soo baxeen wararka sheegay in la dilay oo warbaahinta aduunku aad u faafisay, isla markaana ug faalootay. Waxayna Al-shabaab ku qaadatay inay warka lagu sheegayo inay gacantooda ku dileen Omar Hammami ka jawaaban dhawr todobaad.
Al-Ameriki oo mararka qaar loo yaqaan  Omar Shafik Hammami, wuxuu dhashay 1984, isagoo ku dhashay  Daphne oo ka tirsan  Alabama, wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Daphne High School. Omar Shafik oo la baxay (Al-Ameriki), wuxuu asalkiisu kasoo jeedaa Syria, iyadoo uu Aabihii ahaa Musilim suriyan ah, halka Hooyadiina kasoo jeedo dadka loo yaqaan  (American Southern Baptist.) .
Mr. Omar Shafik markii uu dhamaystay waxbarasho dugsi sare oo uu ku bartay diinta Islaamka, wuxuu 2002, wuxuu tegey Canada, halkaas oo uu ku guursaday gabadh Soomaaliyeed oo ay isku barteen Canada, isagoo uga sii gudbay dalka Masar 2005, halkaas oo aabihii ku dhashay. Kadibna wuxuu isagoo aan u sheegin qoyskiisa u talaabay Somalia 2006, waqtigaa oo dagaal weyni u dhexeeyay maxkamddii Islaamiga ahaa iyo ciidamada Ethiopia, wuxuuna ku buuray kooxaha Jihaadka  ka wada Somalia.
Abu-Mansuur Al-Ameriki, wuxuu noqday qofka sadexaad ee u hadla Al-Qaida,  sidoo kalena qofkii sadexaad ee qiray in la dilay hogaamiyahoodii Usama, waxaana intii uu Somalia joogay ee ka midka ahaa kooxdaa  lagu arkayay isagoo YouTube-ka soo geliyay muuqaalo Videos, kuwaas oo muujinaya  tababaro uu siinayo Al-shabaab, isagoo khabiir ku ah waxyaabaha qaraxyada iyo dilalka iyo khibrada taatikada dagaalkaba. Muqaaladaa Al-ameriki wuxuu soo deyn jiray isagoo aan is qarinayn sida ay sameeyaan muhaajiriinta kale ee ka tirsan Al-qaida ee ka barbar dagaalama Al-shabaab, ama shabaabka qaarkood,  balse si aan qarsoodi iyo gabasho lahayn u muuqdo wejigiisu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *