Hargeysa(ANN) Maglaada Hargeysa ayaa caawa amaankeed aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka la dhigay ciidamo dheeraad ah oo gaadiidka si taxadir ah u baadhaya, taas oo wadooyinka ka dhigtay kuwo saxmad ah. lama garanayo sababta ay ciidanka Boolisku gaadiidka caawa u baadhayeen, balse

 

waxa jira tibaaxo laga helay qaar ka mid ah saraakiisha amaanka oo sheegaya in laga cabsi qabo kooxo argagixiso ah oo la rumaysan yahay inay soo galeen dalka.
Dhinaca kale arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay caawa kulan aan noociisa hore loo arag golaha wasiiradda xukuumadda Somaliland ku yeesheen Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, kulankaa oo aan loo ogolayn warbaahinta ayaan si cad loo ogayn ujeedadiisa, ayaa abuuray dareen shaki ah, iyadoo aanay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa midna ka qaybgelin oo ay kulankaa xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isugu yimaadeen Huteelka Ambassador, waana kulankii ugu horeeyay noociisa ee lagu qabto madaxtooyadda meel ka baxsan, isla markaana aan la ogayn cida gudoominay maadaama Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuba ka maqnaayeen. sidoo kalena lama oga waxa lagaga hadlayo,   balse tibaaxo laga helay qaar ka mid ah dadka xukuumadda ku dhow dhow ayaa sheegay in ujeedada kulanku tahay mid ay ku naaqishayaan xaalada dalku marayo, iyadoo ay xiligan jiraan cabashooyin iyo duruufo siyaasadeed oo hadheeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
gGolaha Wasiiradda Somaliland, ayaa Caawa Hotelka Ambassador ku leh kulan gaar ah oo aan Ujeedadiisa la garanayn isla markaana ay joogaan dhamaan Golaha Wasiiradda marka laga reebo laba Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen.
Kulankaa ayaa abuuray dareen gaar ah, waana kulankii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay wasiiradda xukuumaddu ku yeeshaan meel ka baxsan qasriga Madaxtooyada, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kulankaa ay wasiiradu kaga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee laga cabsi qabo inay qaawiyaan siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana lagu soo qaado kacdoonada ka jira gudaha ee ka dhashay Xadhiga Boqor Cismaan Buur-madw iyo masuuliyiinta sadexda ah ee lagu eedeeyay  Musuq-maasuqa  iyo sdioo kale xaalada kacsan ee ka dhalatay qaabkii loola dhaqmay Gudoomiye xigeenkii  xisbiga Kulmiye ee laga qaaday xilka, kaas oo ay Ilaalada wasiirka arrimaha guduhu  u geysteen dhibaato. Kadibna Cusbitaal debeda ah loola cararay doraad.
Sidoo kale kulankaa ayaa laga yaabaa in lagaga hadlo xaalada iyo duruufaha siyaasadeed ee Ururada dhowaan dalka laga hirgeliyay oo la filayo inay gudida Diiwaangelinta iyo ansixinta Ururadu ku dhawaaqaan natiijadooda kadib markii ay Ururadu qabsadeen shirweynayaashii looga baahnaa.
Waxa kale oo ay tibaaxaha qaar sheegayaan inay suurta gal tahay in kulankaa wasiiradu kusoo qaadaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo u muuqda kuwo fashilmay. Kadib markii Madaxweynaha  Somalia kusoo daray laba xubnood oo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo kasoo jeeda deegaanada  Somaliland, taas oo keentay inay ka cadhooto xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana hakiso wadahadlada oo la filayay in xubnaha labada dhinac u magcaabeen u anbabaxaan London.
Si kastaba ha ahaatee kulankaa wasiiradda Somaliland ee caawa ayaan si cad loo ogayn ujeedadiisa, balse waxa la eegi doona waxa kasoo baxa iyo natiijada ka dhalata.

Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *