Hargeysa(ANN) Abwaan Haybe Faarax Nuur, waxa uu  ka mid ahaa Mujaadiiintii dalka xoraysay ee SNM da’diisu qoiyaastii waa 45 jir, waa Nin Caato ah oo aan xaas lahayn,  isla markaana Beeralay ah. Abwaan Faarax waxay  ciidanka Boolisku kasoo xidheen

 

Todobaadkii hore Deegaanka magaalada Gebilay, iyadoo lagu eedeeyay inuu tiriyay Gabayo uu si weyn ugu dhaliilayo Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana kaga sheekaynayo xaaladihii dalku soo maray,  madaxweynayaashii ka horeeyay waxqabadkoodii iyo waxyaabihii uu Madaxweyne Siilaanyo xiliggii kaanbaynka ku Ololaynayay iyo heerka maanta dalku marayo.
Abwaanku wuxuu gabayadiisa ku iftiiminayaa in gebi ahaanba ay meesha ka baxday rajadii iyo yididiiladii waqtigii Ololaha ee loogu hanweynaa Madaxweyne Siilaanyo laba sanadood ka hor.
Qaar ka mid ah Ehelada Abwaan Faarax oo weriye ka tirsan shebekada wararka  ee Samo Talis News kula kulmay magaalada Gebilay shalay ayaa u sheegay in Abwaankaa oo ahaa Nin Mujaahid ah oo ka mid ahaa raggii dalka xoreeyay ay Ciidanka Boolisku kasoo qabteen  Beertiisa oo uu xiliggaa ugu diyaargaroobayay inuu ka guro haramada, si uu uga faa’idayto roobabka Gu’ga ee deegaano Somaliland ah waqtigan ka curtay.
Ehelada Abwaan Faarax ayaa sheegay in  aanay hada garanayn meel  la geeyay abwaanka oo dhinaca magaalada hargeysa loo qaaday. Kadib markii uu laba maalmood ku xidhnaa xabsiga gebilay.
Gabayada Abwaanku tiriyay ee uu xoriyadiisa ku waayay waxa ka mid ah Gabay  uu ugu Magacdaray Aarkii Cigaal, wuxuuna ku bilaabay sidan:-
Aarkii Cigaal, Aas –aasihii Somaliland,  Afti iyo Dastuur aad ugu dhowaa
Calan Ayni baddan Unugyoo same, Ummadana Midee , Aarmigii xerree, Guurtida adkee, indho dawladdeed Igisbiiriyanis  Ingiriis u sheeg, ururana u same Udub ugu horee  andhi buu ka dhigay (mid buu ka dhigay afxabashi).
Ucid baa ku xiggay , lama Ooyinee Odaygii Cigaal Ajalbaa ku timi, Odaygii ku xiggay anba-qaad halkii ilaa Elakshankii muu ayaan xumayn.
Marxkuu Oommanaa  Af-wanaagsanii iska oohinjiray , Urur kale la yimi Albanada garaac, hadba Oodo jiidh, Aflagaado baddi, Ummadii u yeedh laga daba abraar, Ay (kayn) buu la tegey  U Ujeedo   hadal  doorashada asiib codna lagu asqee. Arain lagu farxiyo abda lagama arag arainkiisyoo Arbacada  dabshida , Ummadii xidh-xidha Albaabada Qufula Eydana ku dira Arsaaq yaan la cinin.
Ummadiina tidhi Ayaantii horeba hadaan Odhan lahayn Akaaniisidee ( af-xabashi maxaad noo wadaa), maanu iilaneen, aaniyo qabiil , cuqdad iyo xumaan abid kama tagtee Axmedow maxaan kugu aaminaa Aah kama baxdee.

Sidoo kale Gabay kale ayuu Abwaan Faarax  ku yidhi sidan:-
Ninka Dawlad Meeraran daadihi la yidhiyow  hawshii laguu diray Dusheedaad ku gama’dee.
Daa’uus sidaa tahay waad is daawanaysaa. Dadkaa kugu Khasaaree Dacwad baa la Ooggoo maxkamad dagaal baa Deg-deg kuu Filaysee dabadhoonka maqashiyo, Digtoorkaaga Khaaskiyo Ma Xirsaa  kuu difaac Noqon, Mise waad iskaga degi doqoniina qaadee.

Tuducyadaa ayaa ka mid ah sida laga soo xigtay ehelada Abwaan faarax gabayada uu xoriyadiisa ku waayay, gabaygan danbe oo abwaanku  ugu magac daray  “Kurigani Dabiib maaha “ waxaanu akhristayaasha gadaal uga soo gudin doonaa  gabayadaa oo dhamaystiran insha allaah.
Xigasho Samo Talis News
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *