Muqdisho(ANN)Raysal wasaaraha Somalia Cabdi weli Maxamed  Cali ayaa amaankiisa aad loo adkeeyay labadii maalmood ee u danbeeyay. kadib markii gurigiisa laga helay waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada oo la dhigay, isla markaana qaar ka mid ah ilaalada wasiirka ee khaaska ah ayaa

 

baxsaday, kuwaas oo la rumaysanya inay lug ku lahaayeen shirqolkaa la doonayay in lagu khaarajiyo.
Sida ay sheegayaan warar laga helay saraakiil ka tirsan dawladda Somalia oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay socdeen baadhitaano ku saabsan qaraxii dhowaan ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho oo ay ku nafwaayeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, isla markaana kuwo kale ku dhaawacmeen ayay  Ciidamada sirdoonku heleen tibaaxo iyo xoggo sheegaya inuu jiro shirqool la doonayo in lagu khaarajiyo raysal wasaare C/weli, taas oo sababtay in baadhitaan lagu sameeyo habeen hore guriga Raysal wasaaraha. Kadibna laga soo saaray waxyaabaha qaraxa loo adeegsado oo loo sii dhigay Guriga.
Hase yeeshee ilaalada guriga raysal wasaaraha ayaa baxsaday, iyadoo qaar ka mid ah ilaaladiisa maalmihii lasoo dhaafay la xidhay markii looga shakiyay falkii Tiyaatarka  ee la doonayay in lagu khaarajiyo Raysal wasaare C/weli inay qayb ka ahaayeen askarta gaadhkiisa qaarkood.
Sida ay sheegeen xoggahaasi markii ay ciidanka amaanku baadhitaanka bilaabeen ka hor inaan la helin waxyaabahaa oo qolka hurdada loo dhigay, sidoo kale waxay tibaaxaha hordhaca ahi sheegayaan in raysal wasaare C/weli aanu ku laaban gurigiisa oo aan la ogayn halka uu seexdo labadii habeen ee danbeeyay.
Xukuumadda Somalia ayaan  weli ka hadlin dhacdadan  oo cabsi iyo wer wer ku abuurtay masuuliyiinta dawladda Somalia.  Jun 2010 ayay ahayd markii wasiirkii arrimaha gudaha Somalia ee dawladii farmaajo lagu dilay qarax loo sii dhigay gurigiisa, kaas oo loo adeegsaday qof haween ahayd oo qoyskiisa ka mid ahayd.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *