images/stories/wasiiradda waxbarashada somaliland marwo samsam abdi adam.bmp  Hargeysa (ANN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay qorshaha istiraatiijiyadeed ee ay doonay inay ku horumariso wasaaradda waxbarashadda ee dhowaan loo magcaabay iyo  waxyaabaha ay culayka saarayso ee la xidhiidha horumarinta iyo tayaynta  waxbarashada dalka.

 
Marwo Samsam waxay  sidaa ku sheegtay mar ay maanta Saxaafada ugu waramaysay xafiiskeeda, iyadoo  sharaxaad ka bixisay qorsheyaasheeda “Horta Wasaaradda Waxbarashadu waxay leedahay qorsheyaal, waxaanu Anagu ku bilownay imika tayaynta waxbarashadda, waayo iskuuladii way dhisan yihiin oo agabkiina way haystaan,  markaa waxa darruuri ah sidii waxbarashaddii loo tayayn lahaa. Waxaanu wadnaa wixii ka dhiman Manhajkii waxbarasho ee qaranka sidii loo dhamaystiri lahaa ee loo heli lahaa Manhaj waxbarasho oo ay Somaliland leedahay.”
 
Wasiirka  Waxbarashadda Marwo Samsam waxay sheegtay inay samaynayaan Komishankii waxbarashada sare, waxayna  iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi “Sidii Tacliinta Sare loogu samayn lahaa Komishan u gaar ah ayaa ka mid ah  waxyaabaha aanu mudnaanta siinayno.waxa kale oo jira sidii loo samayn lahaa laybareeriyo badan oo laga hirgelinayo Dugsiyada iyo kuwa laga furayo magaallooyinka, waxa kale oo loo baahan yahay  in Dugsiyada farsamada gacanta dib loo eego.”
 
Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in saraakiisha waxbarashadu ay u badan yihiin dad waayeel ah oo hawsha muddo ku soo jiray,  isla markaana waayo aragnimo dheer leh, balse loo baahan yahay in lagu  kordhiyo  dad dhalinyaro ah, taas oo ay xustay inay qorshaha ugu jirto.
 
“Waxa kale oo aanu bilownay inaanu tayayno Waaxdiii kormeerka oo la maro Dugsiyada waxbarashadda si loo oggaado inta Macalin ee ka shaqeeya iyo inta mushahar qaadata iyo inta kale, waxa kale oo aanu awooda saaraynaa in la ilaaliyo musuqmaasuqa waxa dhawaan la sameynayaa Guddi musuqmaasuq intaan naloo iman waa inaanu wax sii hagaajinaa,”ayay tidhi Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashaddu.
 Marwo Samsam   oo la weydiiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadan kooban ee ay xilka haysay waxay  tidhi “Talaabooyinka aan qaaday waxa ka mid ah Wasaaradda waxaan u imid iyagoo aan afar  bilood mushahar qaadan bishana shan ayay ku noqotay, waxaan u raadiyay in ugu yaraan bil,  ama laba shaqaalaha la soo siiyo. Waxa kale oo aan soo darsay soona kormeeray Gobolada Awdal iyo Tog-dheer. Sidoo kale waxaan  dhawaan ka qeyb galay xaflad qalin jabin ah oo ay ku qalin jabinayeen Arday wax ka barata Jaamacadda Cammuud, halka gobolka Togdheerna aan u tegey Dugsiyo la furayay.”
 
 
Marwo Samsam Cabdi waxay ku dooday in muddadii ay xafiiska joogtay ay ka shaqeysiisay xafiisyadii Wasaaradda Waxbarashadda, isla markaana iyadoo
 
ka jawaabay qorshaha uga yaala inay hubiso tayada waxbarashadda Jaamacadaha dalka waxay  tidhi “Komishanka Tacliinta sare ee aan samaynaynaa waxay qabanayaan inay darsaan hawlaha ay ka mid ka yihiin horumarinta iyo hubinta tayada Jaamacadaha dalka, Shahaadooyinkooda iyo arrimahooda oo dhan. Komishankani waxay ku soo bixi doonaan digreeto Madaxweyne laakiin anaguna waanu sii habaynaynaa wasaarad ahaan.” Ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *