images/stories/gaadiidka loogu deeqay ciidanka badda somaliland.jpg  Hargeysa  (ANN) Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Cimaan Jibriil Xagar, ayaa maanta 12 Baabuur oo ka mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca arrimaha Amniga  u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

12-kaas Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay  kulan lagu qabtay Taliska Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera. “Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska iyo Mr. Brown oo ah sarkaal dhinaca  arrimaha Amniga  ee safaarada Britain    xarunteeda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa. Runtii dhibaato badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday tahay xagga Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Xagar.
Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan qaadday inay ku horumarinayso ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud ahaanba xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Biyaha Gacanka.
Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la dagaallanka Budhcad-Badeedka.
Sarkaal oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay hadyaddan aannu ilaalada Xeebaha Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo gaadhsiinno, isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno inay wax tar ka noqonayso deddaalka aad ugu jirtaan adkaynta nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”
Munaasibada Taliyuha ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland  ku guddoomay gaadiidkaa, waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, isla markaana Talaabadan Dawlada Britain ugu deeqday Ciidanka gaadiidka ayaa noqonay  tii ugu horaysay ee taageero nooceeda ah oo muuqata ay Britain siiso Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, iyadoo ay dawlado ay hormood u tahay  Britain  si weyn u taageerayeen horumarka dhinaca adeegayada Bulshada  ee aasaasiga ah iyo dhinaca geedi socodka Dumuqraadiyada sanadii u danbeeyay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *