Hargeysa (ANN) Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu dhowaan ku talo jiro sidii uu  ugu dhawaaqi lahaa  maalin qaran oo olole nadaafadeed ah, taas  oo dalka oo dhan laga samayn doono qashin ururin.

Wasiirku waxa uu hadalkaa ka sheegay mar ay saaka kala qaybgalayeen shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka olole nafaadeed Wasaaradda gudaheeda ah isaga iyo Wasiirku Xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan.
Dr.  Xoog waxa uu xusay  in maalin kasta oo khamiis ah laga samayn doono gudaha Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Hargeysa olole nadaafadeed oo ay ka wada qaybgali doonaan masuuliyiinta iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaraddu. Sidoo kale waxa uu  xusay in  haddii la waayo nadaafad aanu caafimaad jirayn.
Dr.  Xuseen Maxamuud (Xuseen Xoog), waxaa kale oo uu  tilmaamay in sidoo kale  Ololahaa nadaafadeed  laga samayn doono goobaha cisbitaalada maalinta khamiista.
Wasiirku waxa  uu ku dhawaaqay inuu ku talo jiro inuu sameeyo dhawaan maalin heerqaran ah oo dhammaan shacab iyo madaxba laga wada qaybgali doono olole nadaafadeed oo laga sameyn doono lixda Gobol iyo Degmooyinka ay jamhuuriyada Somaliland ka kooban tahay.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *