Burco (ANN) maxaabiitsa lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Bali hadhac ee duleedka widhwidh ayaa la geeyay  xalay xabsiga dhexe ee magaalada  Burco, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka qaranku. Kadib markii dagaal dhexmaray cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka iyo maleyshiyo beeleed ka tirsan deegaankaa oo la baxay SSC.. sidaana waxa shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyay qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland.

Maxaabiista ay ciidanka Somaliland gacanta ku dhigeen ee la geeyay xabsiga dhexe ee magaalada Burco ayaa tiradooda lagu sheegay 7 maxbuus, kuwaas oo ka tirsanaa maleyshiyada shalay weerarka gaadmada ah kusoo qaad dhigay fadhiisinka ciidanka qaranka ee halkaa. Dagaalka oo xiliyo kala duwan dhacay ayaa keenay khasaare dhimasho iyo dhaawacba, balse warar laga soo xigtay saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ilaa sadex ka mid ah ciidanka qaranku ku dhaawacmeen dagaalka, iyadoo hal askarina kaga dhintay. Laakiin dhinaca maleyshiyada dhirbaaxo xun lagu dhuftay, iyadoo ay saraakiisha aaga ku sugani sheegeen in khasaare la gaadhsiiyay maleyshiyada.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame  Guuleed ayaa Idaacada BBC laanteeda afka soomaaliga  shalay u sheegay in dhinaca ciidanka Somaliland hal askari kaga dhintay.
Dhinaca kale maleyshiyada ayaan dhinacooda wax war ah oo ku saabsan khasaaraha soo gaadhay  kasoo bixin, iyadoo ay gebi ahaanba go’antahay isgaadhsiinta deegaanka. Balse dagaalka ayaa shalay dhamaaday, isla markaana ma jiraan warar sheegaya in dagaalku soo cusboonaaday maanta. Laakiin dadka deegaanka ayaa xaalada ka werwersan, kuwaas oo shalayba bilaabay inay ka qaxaan deegaanka uu ka dhacay dagaalku.

Maleeshiyo  Beleedka la magac baxday SSC, ayaa mudooyinkii u dambeeyay isku urursanayay deegaankaa, iyadoo  Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka Degaanaasi, warbaahinta dhawr jeer ka iclaamiyeen inay dagaal kala hortegayaan ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan halkaa, waxayna maleyshiyadu deegaanka widhwidh si gaadmo ah hore ugu dileen dhawr sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka ee aagaa, iyagoo mudadii ugu danbaysay ee codbixintii doorashada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26 Juun ay jidgooyo u galeen gaadiidka iyo agabka doorashada ee loo waday deegaankaa, halkaas oo ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka la shaqaynayay gudida doorashooyinka Somaliland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *