Dubai(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo dhigiisa  Wasiirka Arrimaha Dibadda  Dawladda Isutagga  Imaaraadka  Sheikh Abadallah Bin Zayed Al Nahyan ayaa yeeshay kulan gaara oo ay labada Wasiir   ku yeesheen  magaalada Dubai ee

 

dalka UAE,  waxayna  labada masuul  ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya labada dal, caalamka carabta iyo arrimaha geeska afrika. Sidoo kale  waxay  kawada hadleen culayska ay budhcad badeeddu  ku hayso adduunka. Kulanka  labada geesood oo maalintii Arabacii dhacay, waxa kaloo lagu soo qaaday arriimo la xidhiidha cilaaqaad cusub oo ay Somaliland doonayso inay la yeelato dalka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaanba wadamada gacanka carabeed.
Kulankaa wuxuu  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland kaga  waramay hawlagaladda Somaliland ee dhinaca  la dagaalanka budhcad badeedda, wuxuuna si gaar ah tusaale ugu soo qaatay  dad lagu xukumay denbiyo la xidhiidha budhcad badeednimo oo lagu qabtay xeebaha iyo biyaha Somaliland ah, kuwaas oo hadda ku jira jeelasha Somaliland ka dib markii  maxkamadi ku caddaysay denbiyadaa, isagoo  tiradoodu ku sheegay inay  kor u dhaaftay 90 qof.
Wuxuu wasiirku warbaahinta u sheegay in Somaliland ay dawladda Imaraadka Carabta waydiisatay inay ka taageerto la dagaalanka budhcad badeed oo ay uga baahan yihiin taageero dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay dhinaca dhaqaale, qalab iyo tababarro. Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay hawlgalada dhaqaale, siyaasadeed, nabadgalyo iyo maalgashi ee dawladda Somaliland oo uu u bandhigay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan.
Wararka la xidhiidha kulanka labada wasiir arrimo debedeed  ayaa  intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan, uu isna ka waramay culayska iyo dhibta ay budhcad badeeddu ku hayso maraakiibta ganacsiga iyo gaadiidka badda mara oo dhan.  Wuxuuna caddeeyay  inay arrintani ku keentay ganacasiga dawladdiisa iyo wadamada kaleba khasaare iyo dhibaato badan, isla markaana xumaysay  nabadgalyada iyo isku socodka maraakiibta isaga goosha dunida, maadaama dekeda dubai ay tahay mid caalami ah.
Wuxuu Sheikh Abdallah ku amaanay xukuumadda Somaliland dadaalka ay muujisay wax ka qabasho wayn dhinaca budhacad badeedda. Wuxuuna shaaca ka qaaday in dawladiisu la shaqayn doonto Somaliland iyo bulshada caalamkaba  sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa  saxaafadda u sheegay inuu jawaab cad  ka bixinayo hadalo la sheegay inuu warbaahinta qaarkeed ka sheegay Wasiirka Khaarajiga ee maamulka Muqdisho ee dawladda taagta daran ee TFG, kaas  oo sheegayay inay iyaga iyo Somaliland ay heshiis kuwada yihiin in si wada jira ah oo gaar ahaaneed ah ay ugawada shaqyeeyaan budhcad badeedda iyo maxkamaddaynta budhcad badeedda la qabto oo halkii la gayn lahaa dal kale oo shisheeye ay TFG du doonayso in la geeyo Somaliland. 

Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland wuxuu sheegay in arrintaasi aanay jirin, Somaliland’na ay sidii caadiga ahayd bulshada caalamka ula shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada budhacad badeedda. Wuxuuna ugu baaqay wasiirkan TFG du inuu ka waantoobo marin habaabinta mawqifka Somaliland ee arrintan, wuxuuna cadeeyay in aanay jirin wax heshiis ah ama wadahadal ah oo u gaar ah Somaliland iyo dawladda taagta daran ee TFG oo ku saabsan arrintan iyo arrin kale toona.

Dhinaca kale wefdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo weli booqasho ku jooga dalka isu taga Imaaraadka carabta, isla markaana kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Imaaradahaa ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda booqasho ku tagaan dalka Kuwait, iyadoo ay Xukuumadda Kuwait u fidisay casuumad.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *