Hargeysa(ANN) Ciidamada amaanka ee Booliska iyo kuwa wadooyinka ayaa caawa fiidkii mar keliya ka bilaabay wadooyinka magaalada hargeysa baadhitaan feteshaad si taxadir leh loogu baadhayay gaadiidka, taas oo keentay saxmad iyo inay wadooyinku cidiidh noqdaan.

 

 

Talaabadan ayaa ka danbaysay. kadib markii gaadhi noociisu yahay Mark two, kaas  oo ka mid ahaa gaadiidka wadada wadanaha magaalada ee saldhiga dhexe hortiisa martaa, mar keliya dib u cararay kadib markuu arkay gaadiidka la baadhayo.
ciidanka amaanka ayaa gaadhigaa tacshiirado rasaas ah ku riday, waxaana lagu qabtay dhismaha Fooqa geelle Arab ee badhatamaha suuqa oo xilgaa saxmad ahaa.
qaar ka mid ah Saraakiisha bilayska ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews in gaadhigaa oo lanbarkiisu ahaa 340 78, dareewalkii waday ka cararay, balse la hayo gaadhiga iyo laba nin oo la socday, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay.
sidoo kale warar dheeraad ah ayaa sababta gaadiidka caawa si dheeraad ah loogu baadhayay siyaabo kala duwan u fasiray  warar kala duwan oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay ayaa tibaaxaya inay ciidamada amaanku heleen warar sheegaya in qaar ka mid ah kooxaha xidhiidhka la leh argagixisadu soo galeen dalka, kuwaas oo ay saraakiisha bilaysku ka gaabsadeen inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.
“Baadhitaanku waa mid caadi ah, mana jiraan wax aan idiin sheegi karaa, gaadhigaa ayaa la hayaa ilaa hada, waana la baadhayaa.” sidaa  waxa yidhi mid ka mid ah saraakiisha ciidanka booliska oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino waxyaabaha soo kordhay, balse warar kale oo madaxbanaan ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay ciidamada boolisku qabteen hub iyo saanad waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado ah, kuwaas oo xalay lagu qabtay cidhifka Bari ee magaalada caasimada hargeysa. Laakiin saraakiisha Booliska ee aanu  la xidhiidhnay si aanu uga xaqiijino waxa ka jira warkaa ayaa ka gaabsaday inay jawaab ka bixiyaan.
Dhinaca kale hawlgalka ciidamada amaanka ee magaalada hargeysa ayaa kusoo beegmay iyadoo ay ciidamada Ethiopia habeen hore hawlgal sidan oo kale ah ka fuliyeen deegaanka Bali gubadle ee hawdka koonfurta Hargeysa, iyagoo sameeyay baadhitaan dhinaca xadkooda ee magaaladaa oo ay xudduudu kala qaybiso. Laakiin lama sheegin wax  dhibaato ah oo halkaa ka dhacay iyo cid ay ka qabteen midna. Sidoo   hawlgalkan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay coo Ciidamadda Sirdoonka Somaliland khamiistii lasoo dhaafay  u gacan geliyeen Ciidamadda Ethiopia  nin Oromo ah oo ka  diiwaangashanaa Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, kaas oo magaciisu ahaa  C/salaam Mukhtaar Xaaji.
Hase yeeshee warar kale oo la xidhiidha arrinta ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in Ninkaa  markii uu arrintiisa ku warhelay Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici  oo ah ku simaha madaxweynuhu dalbaday in dib loo soo celiyo. Sidaana loogu wareejiyay ciidanka Baadhista Denbiyada Somaliland ee CID, iyadoo ay  wararku sheegayaan  inay Booliska Somaliland si khaldan u fuliyeen hawlgalkii lagu qabtay Ninkaa, isla markaana aanu ahayn qofkii lagu raad joogay ee ay sirdoonka Ethiopia doonayeen.
Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhexeeya heshiis dhigaya inay wixii denbiilayaal ah ee u kala talaaba dalalkooda isu celiyaan. Sidoo kale heshiis sidaa oo kale ah ayaa ka dhexeeya  somaliland iyo Djibouti.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *