Abu Dhabi (ANN/Reuters)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin sidii ay u raadin lahaayeen iskaashi dhexmara dalka Soomaaliya, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in aanay xilligan Soomaaliya ka dhisnayn dawlad

wada-xaajood lala geli karo.
Madaxweyne Siilaanyo oo isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta waraysi siiyey shalay wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters, waxa uu caddeeyey in aanay Somaliland waqtigan wax xiiso ah u qabin inay mar labaad dib ula midoobaan Soomaaliya, isla markaana aanay habboonayn in madaxbannaanida Somaliland lagu xidho Soomaaliyada burbursan oo aanay mar danbe dib ula midoobayn.
“Waxyaabihii dhawaan ka dhacay Koonfurta Suudaan waxay tusaale fiican u yihiin inay isbeddeleen fikradihii hore ee gaboobay ee ahaa in aan waxba laga beddelin qaabkii guumaystuhu kaga tagay xuduudaha qaaradda Afrika, arrintaasina waxay caawin kartaa qaddiyadayada goonni-isu-taagga.
Dhab ahaan xaqiiqada jirtaa waxay tahay haddii la doonayo in qaddiyaddayada loo riixo dhinaca Soomaaliya. Ma jirto wax midnimo ah oo dalkii Soomaaliya ka jirtaa, ayaad la xidhiidhi kartaa si aad ula xaajooto? Waxaana jira dad noo yimaad oo nala soo xidhiidha, kuwaas oo fahamsan qaddiyaddayada, laakiin ma jirto dawlad midaysan, mana jirto hay’ad lala hadli karo, maadaama Soomaaliya ay xilligan ku jirto xaalad walaac leh. Haseyeeshee, waxaannu diyaar u nahay in aannu raadino iskaashigooda.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin, isla markaana taageerayaan qorshaha Qaramada Midoobay ku doonayso in maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ah lagu hayo xabsiyada dalka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xabsiyadaannu ku hayn doonaa budhcadda lagu qabto badahayaga, taasina waxa waxa aannu ku deeqi karayno, waxaanuna diyaar u nahay in aanu ku deeqno adeegyada xabsiyada.”
Madaxweyne  Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda dalkaas, shirkado maalgashi oo shisheeye iyo shuyuukh ka tirsan dawladdaas, iyadoo muddadii weftigiisu ku sugnaa Abu Dubai uu wasiirka khaarajiga Somaliland ka qaybgalay shir lagaga hadlayey arrimaha budhcad-badeeda Soomaalida oo ay ka qaybgaleen ilaa 50 dawladood wasiirradooda arrimaha dibadda. Waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wefdigiisu u baxaan dhinaca dalka Kuwait maalmaha soo socda.
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *