Dubai(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Isutagga Imaaraadka Sheikh Abadallah Bin Zayed Al Nahyan ayaa yeeshay kulan gaara oo ay labada Wasiir ku yeesheen magaalada Dubai ee
dalka UAE, waxayna labada masuul ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya labada dal, caalamka carabta iyo arrimaha geeska afrika. Sidoo kale waxay kawada hadleen culayska ay budhcad badeeddu ku hayso adduunka. Kulanka labada geesood oo maalintii Arabacii dhacay, waxa kaloo lagu soo qaaday arriimo la xidhiidha cilaaqaad cusub oo ay Somaliland doonayso inay la yeelato dalka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaanba wadamada gacanka carabeed.
Kulankaa wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland kaga waramay hawlagaladda Somaliland ee dhinaca la dagaalanka budhcad badeedda, wuxuuna si gaar ah tusaale ugu soo qaatay dad lagu xukumay denbiyo la xidhiidha budhcad badeednimo oo lagu qabtay xeebaha iyo biyaha Somaliland ah, kuwaas oo hadda ku jira jeelasha Somaliland ka dib markii maxkamadi ku caddaysay denbiyadaa, isagoo tiradoodu ku sheegay inay kor u dhaaftay 90 qof.
Wuxuu wasiirku warbaahinta u sheegay in Somaliland ay dawladda Imaraadka Carabta waydiisatay inay ka taageerto la dagaalanka budhcad badeed oo ay uga baahan yihiin taageero dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay dhinaca dhaqaale, qalab iyo tababarro. Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay hawlgalada dhaqaale, siyaasadeed, nabadgalyo iyo maalgashi ee dawladda Somaliland oo uu u bandhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan.
Wararka la xidhiidha kulanka labada wasiir arrimo debedeed ayaa intaa ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaraadka Carabta, Sheikh Abdallah Bin Zayed al Nahyan, uu isna ka waramay culayska iyo dhibta ay budhcad badeeddu ku hayso maraakiibta ganacsiga iyo gaadiidka badda mara oo dhan. Wuxuuna caddeeyay inay arrintani ku keentay ganacasiga dawladdiisa iyo wadamada kaleba khasaare iyo dhibaato badan, isla markaana xumaysay nabadgalyada iyo isku socodka maraakiibta isaga goosha dunida, maadaama dekeda dubai ay tahay mid caalami ah.
Wuxuu Sheikh Abdallah ku amaanay xukuumadda Somaliland dadaalka ay muujisay wax ka qabasho wayn dhinaca budhacad badeedda. Wuxuuna shaaca ka qaaday in dawladiisu la shaqayn doonto Somaliland iyo bulshada caalamkaba sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
Sidoo kale wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay inuu jawaab cad ka bixinayo hadalo la sheegay inuu warbaahinta qaarkeed ka sheegay Wasiirka Khaarajiga ee maamulka Muqdisho ee dawladda taagta daran ee TFG, kaas oo sheegayay inay iyaga iyo Somaliland ay heshiis kuwada yihiin in si wada jira ah oo gaar ahaaneed ah ay ugawada shaqyeeyaan budhcad badeedda iyo maxkamaddaynta budhcad badeedda la qabto oo halkii la gayn lahaa dal kale oo shisheeye ay TFG du doonayso in la geeyo Somaliland.
Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland wuxuu sheegay in arrintaasi aanay jirin, Somaliland’na ay sidii caadiga ahayd bulshada caalamka ula shaqaynayso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada budhacad badeedda. Wuxuuna ugu baaqay wasiirkan TFG du inuu ka waantoobo marin habaabinta mawqifka Somaliland ee arrintan, wuxuuna cadeeyay in aanay jirin wax heshiis ah ama wadahadal ah oo u gaar ah Somaliland iyo dawladda taagta daran ee TFG oo ku saabsan arrintan iyo arrin kale toona.
Dhinaca kale wefdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo weli booqasho ku jooga dalka isu taga Imaaraadka carabta, isla markaana kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Imaaradahaa ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda booqasho ku tagaan dalka Kuwait, iyadoo ay Xukuumadda Kuwait u fidisay casuumad.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com