Adis-ababa(ANN)Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa kulan rasmi ah kula qaatay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Berhane Gebre-Kristos oo ah masuul ku cusub xilkaa.  Kulankaa oo maanta ka dhacay Adis -ababa ayaa

noqonaya  kii ugu horeeyay ee si rasmi ah u dhex mara labada dawladood tan iyo intii uu talada dalkaa la wareegay Raysal Wasaaaraha cusub Mudane Haile Mariam Desalegn.
sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha debeda Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-
Kulanka  waxuu ahaa mid xaqiijiyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood.

Kulankan oo hore loo sii qorsheeyay waxaa lagu soo qaaday arrimo dhawr ah oo saldhig u noqon doona xidhiidhka mustaqbalka ee labada wadan. Waxaana ka mid ahaa arrimihii laga wadahadlay horumarinta xidhidhka labada dal oo dhinacaya badan taabanaya oo tallooyin cusubna laga soo jeediyay iyo arrimaha la xidhiidha siyaasadda iyo nabadgalyada mandaqadda bariga iyo geeska afrika.

Ugu horayn waxay labada Wasiir caddeeyeen sida ay labada dalba diyaarka ugu yihiin sii horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka labada geesood ka dhexeeya. Iyadoo arrintaa laga ambaqaadayona, waxay isla qaateen wasiiradu in bishan soo socota ee November badhtankeeda ay guddiyo farsamo oo ka socda labada dal isugu yimaadaan magaalada Dirir Dhaba si ay u soo diyaariyaan hindisayaal farsamo oo aasaas u noqon doona iskaashi iyo wadashaqayn qotto dheer oo ay labada waddan yeeshaan.
Iskaashiyada iyo heshiisyada ay guddiyada farsamadu soo diyaarin doonaan waxaa ka mid ah heshiis ganacasi oo fududayn doona ganacsi is waydaar ah oo dhex mara labada dal oo faa’iido wadaag ah abuuri kara, heshiisyo la xidhiidha cashuuraha, nabadgalyada, isticmaalka dekeda Berbera. Waxaa kaloo laga wada hadlay qodob ku saabsan sidii ay Somaliland u isticmaali lahayd awoodda laydhka ee Itoobiya oo ay Itoobiya soo dhawaysay.

Talooyinka ay keenaan guddiyada farsamada ee ku saabsan arrimahan, waxay gogol dhig u noqon doonaan heshiis ballaadhan oo  wax-wada qabsi ah oo ay labada dawladood wada gali doonaan oo hagi doona wadashaqaynta iyo iskaashiga labada geesood.  Marka ay heshiisyadan dhaqan galaanna waxaa la filyaa inay adkayn doonaan iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal,  islamarkaana kobcin doona dhaqaalaha labada dhinac.

Kulanka  labada Wasiir oo ahaa mid si wayn loo sugayay beryahanba, waxaa dhinaca Itoobiya goob jooga ka ahaa Agaasimaha Guud ee dhinaca Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, halka   dhinaca Somaliland ay shir ka goob joog ka ahaayeen Safiirka iyo Safiir ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya Adan Nuux Dhule iyo Ayaanle Salaad Diiriye. ayaa lagu yidhi qoraalka
kasoo baxay kulankaa ka dib Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *