Eng. Maxamed Xaashi Oo Jawaab Ka Bixiyay Dhawaaq Wasiirka Maaliyada Somaliland Samaale Ku Tilmaamay Miisaaniyada Uu Dhaxlay Inay Ahayd Mid La Buun-buuniyay

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyada Somaliland Sh. C/casiis Maxamed Samaale oo sheegay inuu la wareegay miisaaniyad la buun-buuniyay oo aan

 

sax ahayn, Balse Eng. Maxamed Xaashi ayaa ganafka ku dhiftay weedhahaa, isagoo sharaxaad ka bixiyay markii uu xilka la wareegay sidii ay xaaladu ahayd iyo halka uu gaadhsiiyay Miisaaniyada.
Eng. Maxamed Xaashi waxa kaloo uu  sharraxay dulmi  dhaqaale oo sida uu sheegay  haysta shaqaalaha dawladda, kuwaas  oo uu xusay inuu sannadkii 2010 shaqaalaha ugu sarreeya ee darajada ‘A” u xaadiri jiray bishii lacag gaadhaysa $70.58 doollar oo qudha.

Qoraal uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi soo gaadhsiiyey Jamhuuriya xalay, waxa uu ku soo bandhigay shax muujinaysa qorshe uu u dejiyey shaqaalaha dawladda markuu xilka kala wareegay wasiirkii hore ee xukuumaddii UDUB Md. Cawil Cali Ducaale, qorshahaas oo uu ku iftiimiyey in sannadkii 2011 shaqaalaha dawladda iyo ciidammada loo sameeyey mushahar-kordhin 100% ah, halka ku-talogalkiiisu ahaa in bishii July ee sannadkan 2012 markale loo kordhiyo 30%, iyadoo mushar-kordhintaasi soconayso ilaa 2015 oo loo qorsheeyey in la gaadhsiiyo 200%.

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu qoraalkiisa u faahfaahiyey xaddiga cashuuraha kala duwan ee dalka ka luma, inta soo xeroota iyo hantida maamulkii Madaxweyne Rayaale lunsaday muddadii ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay in lacagaha deeqaha ah iyo kuwa daynta ahba lagu daro miisaaniyadda qaranka.

Qoraalkan oo wasiirkii hore uu ku daba socday war ku soo baxay cadadkii Jamhuuriya ee soo baxay 21 October 2012, kaasoo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Sameele ku sheegay inuu la wareegay miisaaniyadda 2012, oo buunbuunin badan oo aan sax ahayn ku jirto, waxa isagoo faahfaahsan uu u qornaa sidan:

“Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’

Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula.

Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya.

Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’

Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa.

Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda.

Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto.

Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa.

XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010.

Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin.

Shaxdan hoos ku qoran waxay ka turjumeysaa cashuurta la qaadaa inay tahay wax aad u yar oo cashuur badan oo la qaadi karaa hadhsan tahay.

• Dakhliga guud ee cashuuraha berriga waxa soo xerooda 32%, waxana luma 68% (dakhliga waxa lagu saleeyey diiwangelintii la sameeyey iyo odoroska ilaha dakhliga laga filayo).

Saamiga dakhliga, noocyada cashuuraha ugu muhiimsan iyo xadiga cashuurahaas qaranka ka luma:

• Cashuuraha macaashal-macaashka ganacsiga waxa soo xerooda 15%, waxana maqan 85%;

• Cashuuraha macaashal-macaashka daaraha waxa soo xerooda 5%, waxana luma 95%;

• Macaashal-macaashka shaqaalaha rayidka ah waxa soo xeroota 2%, waxana lunta 98%;

• Cashuurta geddista waxa soo xeroota 1% oo qudha, waxana lunta 99%;

• Bishii qaata $70.5 cashuurta liisamada ganacsiga waxa soo xeroota 2%, waxana lunta 98%;

• Cashuurta waddo-marista waxa soo xertoota 60%, waxana lunta 40%.

Shaqaalaha iyo ciidammada sannadkii 2011 waxa u kordhay 100%, ku talogalkuna wuxuu ahaa in 100% kale u kordho ilaa sannadka 2015ka. Sida ku cad shaxdan hoos ku qoran daryeelka iyo xuquuqda shaqaalaha iyo ciidammadu waa muhim. Maamul tayo leh ma dhismi karo haddii aan arrintan wax laga qaban.

Shaqaalaha darajadoodu tahay ‘A’: Waa qofka jaamacad ka qallin-jabiya. Wixii ka horreeyey sannadkii 2010 bishii wuxuu u xaadiri jiray $70.58. Lacagtaasi maalintii waxay noqonaysaa $2.35. Xaaska meel-dhexaadka ah waa 7 qof. Wuxuu qof walba helayaa maalinti $ 0.34 (2,000 Sl/Sh).

Bal aan eegno shaqaalaha darjada ‘D’: mushaharkiisu bishii waa $26. Maalintii waa $0.84. Xaaska toddobada ah maalintii wuxuu helayaa; $0.12 (743Sl/Sh). Qof waliba wuu qirayaa in aan cidna ku noolaan karayn mushaharkaa.

Maxaa sidan sababay? Hadda lacag la’aani ma jirto ee mudnaanta ayaa xaafado iyo afmiishaarkii yeesheen. Darajada waxa lagu bixiyaa xaafada oo reeruhu ku xisaabtamaan inta wasiir amma mansab sare ee reerku leeyahay. Sharci, dastuur, karti, aqoon iyo xaqsoor beri hore ayaa laga tagey. Horumarka iyo dhismaha dalku wuxuu ku xidhan yahay, xalka arrintan.

Korodhka mushaharka ee sannadkii

Darajada 2010 0% 2011 100% 2012 July 30% 2013 25% 2014 25% 201520%

A $70.58 $141.17 $183.52 $229.40 $286.75 $334.10

B $57.63 $115.27 $149.85 $187.31 $234.14 $280.97

C $44.42 $88.83 $115.48 $144.35 $180.44 $216.53

D $26.00 $52.00 $67.60 $84.50 $105.63 $126.76
xigasho: Jamhuuriya

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *