Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay jiraan dad cadow ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay  ku sugan dalka gudihiisa iyo debediisaba, balse lagaga baxsan karo ama

 

lagaga guulaysan karo oo kaliya wada-jir, isagoo ugu baaqay  dadka dhibaatada wadda inay umadda ka daayaan dibin-daabyadda, wuxuuna si gaar ah  fariin ugu diray Saxaafadda Somaliland.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaa ka sheegay khudbad  uu salaadii ciida ka jeediyay Masjid Jaamaca Magaaladda Hargeysa oo uu dadwaynaha kula tukaday. sidoo kale madaxweyne Siilaanyo  shacabka ku hambalyeeyay ciida, isagoo  yidhi,  “Dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aniga oo ku hadlaya Magaca Qaranka Somaliland waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, shacabkana waxaan u rajeynayaa sharaf iyo qiimo” ayuu yidhi.

“Waxaan umadda reer Somaliland meel ay joogaanba ugu baaqayaa inaynu ilaashano qaranimadeena, wada-jirkeena iyo midnimadeena, waxa jira cadow badan oo dhibaato ku haya daganaanshaheena, cadowna inagu ah guddo iyo dibadba, taana waxaynu kaga baxsan karnaa,  ama ku guulaysan karnaa waa midnimo iyo wada-jir”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo,  waxaanu isagoo dadweynaha u diraya baaq yidhi,  “Markaa waxaan jeclaan lahaa oo aan ku guubaabinayaa aadna ugu baaqayaa dadwaynaha reer Somaliland iyo saxaafaddaba inay wanaag iyo midnimo u horkacaan dadkooda oo aanay dadka iyo dawladooda aanay naxli iyo xumaan la kala dhex dhigin, ummadana aan la iska horkeenin ayaan codsanayaa” Ayuu  ku yidhi Madaxweynaha Somaliland hadal kooban oo uu ka jeediyay Masjidka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliso Marwadiisa, ayaa salaada ka dib booqday xarunta lagu xanaaneeneeyo caruurta ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu cabaar ku hakaday. ka hor intii aanu ku laaban qasriga madaxtooyada.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *