XirsiBerebera(Araweelo News Network)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa si cadho ah uga jawaabay dhaleecayn uu Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe u jeediyay oo la xidhiidhay sida loo maamulo siyaasada

 

hogaaminta dalka iyo wefdiga ka  qaybgelaya wadagadalada dalka Turkiga ee Somaliland iyo Somalia.

Guddoomiyaha UCID oo  shalay warbaahinta qaarkeed waraysi siiyay, wuxuu sheegay in Talada dalka uu Xirsi oo ah Wasiirka Madaxtooyaddu siduu doono u maamulo, isla marlanaa wefdiga Somaliland uga qaybgelaya wadahadalada la filayo inay ka dhacaan dalka Turkiga Wasiir Xirsi u maamulayo sida uu doono.  Sidaa awgeed ay macquul tahay in laga reebo.

Sidoo kale Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in uu fahmiwaayay xidhiidhka ka dhexeeya Nin uu Magaciisa ku sheegay Faarax oo dhinaca Muqdisho soo raaca, kaas oo uu ku tilmaamay mid ujeedooyin gaar ah iyo siyaasad kale u qaabilsan Xirsi, isla markana waxa uu Gudoomiyaha UCID sheegay in ay laba kooxood ahaayeen oo kooxda Xirsi ay tahay, kuwa uu Madaxweynaha Somalia ku xisaabtamayo marka uu leeyahay midnimadu waa muqadas,

Gudoomiye Faysal, waxa kale oo uu dhaliilay qaabka looga qaybgalo shirka oo sida uu sheegay aan wax qorshe ah lala tegin, balse diyaarada laysku weydiiyo.

Hase yeeshee Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ahaa Wefdi ka kooban Golayaasha Baarlamaanka iyo xubno wasiiro ah oo maanta u baxay dalka Turkiga, ayaa si kulul uga bixiyay dhawaaqa Gudoomiyaha UCID jawaab cadho ka muuqato,  wuxuuna  ku tilmaamay Guddoomiyaha UCID inay  u kala garan waayeen inuu la socdo Somaliland iyo inuu la safan yahay Soomaaliya, wuxuuna isagoo ka hadlaya sida loo qorsheeyay wefdiga yidhi, “Madaxweynaha ayaa qorsheeya Guddiyadda baxaya ee Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay sadexda Gole ka qeyb galaan. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay sadex Wasiir ka marayaan. Waxa kale oo maraya Goleyaashii baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

 

Wasiir Xirsi waxa uu Faysal ku eedeeyay Inuu lugooyo ku ahaa socdaaladii uu hore u raacay, waxaanu ku sifeeyay mid lugooyo uun kala hadhay , isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Faysal Taariikhdiisa waa la yaqaanaa, haddii uu na raaci jirayna lugooyo ayuu nala raaci jiray, haddii uu naga hadhayna lugooyo ayuu nagala hadhay.”

 

“Waxa Macruuf ah maalintii uu khiyaameeyay wadanka waa la garanayaa, waa maalintii dhawayd ee isagoo ka mid ahaa Gudidii wada hadalada uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay London, iyadoo aanu cidna uga fasax qaadan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo maanta magaaladda Xeebta ku taalla ee Berbera ugu waramayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, xili wefti uu xubin ka ahaa oo iskugu jiray Xukuumadda iyo Goleyaasha baarlamaanku ay u kicitimayeen dalka Turkiga oo lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya ay ka furmaan wajigii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhex maray dalka Turkiga.

 

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID in uu Gudidii wada hadalada uu ka baydhay mudadii ay u socdeen Somaliland Iyo Soomaaliya Magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga wadahadaladu, isagoo yidhi,  “Faysal waxa uu ahaa markii aanu Joognay Istanbuul ninka kaliya ee Guddida ka baydhay markii la lahaa Madaxweyneyaashu ha saxeexaan, waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka baydhay Gudiyada. Mar walbana waxa uu ahaa ninka kaliya ee lahaa yaanay Madaxweyneyaashu saxeexin ee Wasiirradu ha saxeexaan, dadkana waxa uu u sheegtaa inuu wadanka ilaalinayo

Faysal Baasaboorka uu sitaa waa baasaboor ajanabi ah, Dastuurka waxa ku taalla inaanu is sharixi Karin qof sita Baasaboor ajanabi ahi, waxa uu dhiibaa oo safaaradaha dhigaa waraaq uu leeyahay waan ka noqonayaa.kamana noqdo.”

 

“Waxa kuu cadaynaysa Faysal inaanu bulshadda cidna kala socon ee uu maalin walba iska hadlo oo uu iska buuqo. Waxa kuu cadaynaysa Xisbigiisii UCID la odhan jiray mee waa kaligii xisbi. Faysal Waxaanu kala garan waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala socdo iyo Inuu Soomaaliya la socdo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wejigiisa si weyn cadho uga muuqato, isla markaana u muuqday inuu dhibsaday dhaliisha Gudoomiyaha UCID.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *