bre1Addis Ababa(Araweelo News Network) Ururka Midawga Afrika (AU) oo ah Urur aan awood badan lahayn ayaa joojiyay xubnimadii dalka Masar ee Ururkaa.  Kadib kulan degdeg ah oo ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen maanta madaxda wadamada ku bahoobay

 

Ururka Midowga Afrika AU ayay ku dhawaaqeen in Masar si KMG ah looga reebay ka mid aasaasayaashii Ururkaa.

Hogaamiyayaasha Midowga Afrika oo warmurtiyeed kasoo saaray arrintaa waxay ku cambaareeyeen tallaabadii uu Milleteriga Masar ku inqilaabay Madaxweynihii wadankaa Max’med Mursi oo ay ku sheegeen qoraalkooda in uu ahaa Madaxweyne si sharci ah loosoo doortay.

 

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in madaxweynayaasha Afrika ay ka cadhoodeen inqilaabka Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar oo Milleterigu si xoog ah talada ugala wareegeen Madaxweyne qaab doorasho ah ku yimid.

 

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Ethiopian oo kulanka maanta oo Jimce ah ka dhacay Addis Ababa hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay  Ururka Midawga Afrika ee AU ka qaadatay dalka Masar.

 

“Ururka Midowga Afrika wuxuu si adag u cambaareeyay inqilaabkii ay ciidanka Masar ku rideen Madaxweyne Mursi oo shacabka Masar sifo sharci ah ku doorteen, laga bilaabo maanta Masar si ku meel gaadh  ah ayaa dalka Masar looga hakiyay xubin-nimadii AU”ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka kasoo baxay Midowga Afrika.

 

Go’aankanka kasoo baxay hoggaamiyaasha Afrika ayaa ka duwan qaabka ay hogaamiyaayaasha wadamada reer galbeedku uga hadleen dhacdada dalka Masar ee xukunka lagaga tuuray Madaxweyne lasoo doortay. Xubinnimada Masar laga joojiyay wuxuu kusoo aadayaa waqti murun adag oo dhanka biyaha wabiga Niil ah uu kala dhexeeyo dowladda Itoobiya.

 

Sanaddii 2007 ayay hoggaamiyaasha Midowga Afrika soo saareen xeer dhigaya in Ururkooda aanu  xubin ka naqan Karin dal Inqilaab Milleteri ku riday Madaxweyne doorasho ku yimi,  waxaana muuqata in xeerkaasi ay si  buuxda u dhaqan geliyeen.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *