faysal UCIDHargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si darandoori ah jawaabo uga cadhaysan uga bixiyay dhaleecayn

 

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland u jeediyay ka hor intii aanay wefdiga u dhoofay dalka Turkiga ee wasiirku ka mid yahay ka bixin dalka.

 

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo daba socda eeddahaa, ayaa ku tilmaamay Wasiirka Madaxtooyadda Nin inqilaabay talada dalka, taas oo sida uu sheegay ay u suurtagelisay doorashada dalka loo doortay hogaamintiisa Madaxweyne Siilaanyo oo ku fasaxay in Xirsi in uu ku tabobbarto oo uu baabbi’yo. Sidaa awgeed waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in qaddiyadda waddanku aanay ahayn mid Faysal keliya u taalla ee loo baahan yahay inay dareenkooda ka muujiyaan shacabku.

Eng. Faysal oo  maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Hargeysa, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Dalkan dhibaatadiisu way badan tahay halka uu marayona cid waliba way ogtahay, lexejeclada dalka aan ka qabana ummada Somaliland ayaan la wadaagaa, balse waxaan ka hadlayaa dhibaatada uu wasiirka madaxtooyadu soo gaadhsiiyey wadanka mudadii sadexda sano ahayd ee uu xilka hayey, shaqada wasiirka madaxtooyadu waxa weyeen inuu dhaqaalaha madaxtooyada, shaqaalaheeda iyo arrimaha kale ee madaxtooyada ku ekaado.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sharaxaad ka bixiyay Wasiir Xirsi, isagoo yidhi, “Wasiir Xirsi marka aan dib u raaco waxa uu ahaa xubin ka tirsan komishanka diwaan gelinta, sida uu kaga tagayna waa la oggaa, markii diwaangelinta la sameyey lacag badan ayaa inagaga baxday,  waana la oggaa markii ay  diwaan gelintu tagtay gobolada bari inuu ka faa,iidaystay oo uu gobolada Sool iyo Sanaag gaadhsiiyey 500,000 oo qof, in yar ka bacdi sanadkii 2008 laba baabuur ayuu madaxa ka jaray oo uu qori saaray taas oo ciidanku ku baxeen, isaga oo ka horna u yimid beeshiisa kuna wargeliyey inuu doonayo inuu inqilaab sameeyo una sheegay inuu haysto laba baabuur iyo koobyo toban qof. Waa tii la soo qabtay ee la keenay telefankii uu ku hadlayey waana la oggaaday inuu Al-shabaab la hadlayey oo uu ciidamo waydiisanayey.”

Guddoomiyaha UCID, waxa kaloo uu sheegay dhacdo uu sheegay inay dhexmartay Wasiir Xirsi iyo Madaxweynihii hore Daahir Raayale, wuxuuna, isagoo  Faysal arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xirsi waxa uu ahaa ninkii u galay Madaxweyne Rayaale oo la galay baaskoolad uu watay oo markii uu soo baxayna yidhi walaahi baaskooladii ayaan la galoo marbaan damcay inaan madaxa kaga dhufto oo aan fadhiisto kursigiisa.”

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay markii uu Xisbiga Kulmiye dalka qabsaday ee uu Wasiir Xirsi noqday Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxaanu sheegay inuu madaxtooyada ugu jiro booskii raysal wasaare-nimo waxaanu yidhi, “Markii uu Kulmiye qabsaday dalka waxa uu kusoo baxay Wasiirka Madaxtooyada waxaana si cad u muuqata inuu Ciyaaro doorka ah raysal wasaare-nimo,  taas oo keentay inuu Madaxweyne ku xigeenku dhawr jeer damco inuu is casilo markii uu arkay inuu Xirsi ka maroorsaday taladii dalka.”

Faysal waxa uu Wasiir Xirsi ku eedeeyey inuu qayb wayn ka ahaa colaaddii Kalshaale laba sano ka hor ka socotay oo dhimasho iyo dhaawac badani ka dhashay, ka dib markii ay halkaas ku dirireen laba beelood oo Ciidanka Qaranka Somaliland midkood la saftay.

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal waxa uu masuuliyadda dagaalkii ka dhacay Buuhoodle dusha u saaray Wasiirka Madaxtooyada isaga oo xusay inuu isagu amray  hawl galkaa ciidamada qaranka ee deegaanka Buuhoodle, isagoo yidhi, “Markii ay khaatumo ku shiraysay  Taleex reer Buuhoodle mawqif ayey iska taageen  way ka soo hor jeedsadeen waftigoodiina way ka soo dareereen, dagaal ayaa lagu qaaday  buuhoodle madaxweynuhuna muu ogayn, ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandhiguna muu ogayn, taas oo sababtay inay dhibaatadeedii maanta taagan tahay taas oo beeshaasi u aragtay inay qabiil kale shaadh dawladeed doonayaan inay  ku qabsadaan dhulkooda.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Eng. Faysal waxa uu intaa raaciyey; “Markii Rayaale dalka haystay waxaynu ka caban  jirneen  oo aynu odhan jirnay lacagta Dekada ayaa Madaxtooyada timaada,  balse maanta inta timaado Madaxtooyada wakhtigan ee uu Wasiir Xirsi maamulo waxa ka mida  lacagtii dekedaha, tii haamaha, tii maxjarka, tii waddooyinka iyo lacagtii 2% ahayd ee loogu tala galay gobollada Bari.”

“Anigu waxaan ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo somaliya, waxaanu diidanaan jirnay shirarka somaliya ee laga qaybgalo. Laakiin, maaddaama oo la yidhi wada hadla oo si siman u wada hadla waanu  taageeraynaa, bishii july waxa la gooyey qorshe uu madaxweynuhu fadhiyey waxaana la yidhi sadex guruub ha noqoto guddida wada hadalada somaliland shantayadii ka qayb gashay shirkii London,guruub kale oo uu madaxweynuhu hor kacayey oo ay qayb ka ahaayeen gudoomiyaha kulmiye iyo madaxweynihii hore, iyo guruub sadexaad oo la waa tii aqoonyahanka iyo taariikhda, sadexdaas ayaanu ku ansixinay madaxtooyada oo lagu heshiiyey.” ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlaya waxyaabaha uu Wasiir Xirsi ku eeddeeyay waxa uu yidhi, “Xirsi waxa uu igu eedeeyey inaan madaxweynayaasha ka hor istaagay inay saxeexaan heshiiska labada dal, waxa weeyaan arintaasi  sidaas maaha markii aanu soo diyaarinay qodobada la keenay oo aanu  ka shaqaynay aniga iyo wasiirki arimaha debada Maxamed Cabdilaahi iyo nin kale oo wasiir ah oo intii aanan tagin aan sii tusay niman badan oo mucaarid ah taas oo aan ku qoray inay labada madaxweyne saxeexaan, markii aan Ankara nimid ee aanu la kulanay labada Madaxweyne ayaa Xirsi noo yimid waxaanu yidhi waxa ii waramay nin la socday Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu igu yidhi; ‘Madaxweyne Xasan saxeexi maayo qodobadaas oo  waa Declaration, markaa waxay ka saareen labadii magac ee madaxweynayaasha waxaana naloo kenay waraqihii oo laga saaray magacyadii madaxweynaha waxaanan ka hawl galay inay saxeexaan labada wasiir  waanay ogolaadeen nimankii Soomaaliya.”

Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa wasiirka madaxtooyada ku eedeeyey inuu wada hadalada Somaliland wax badan isku dayey inuu wax ka badalo,  balse aanay u suura galin, isagoo  yidhi, “Aqoon-darrada Xirsi waxa ku tusaysa waxa uu yidhi  hadii aanay madaxweynayaashu saxeexayn Decradation-ka ha lagu cadeeyo oo ha la yidhaahdo madaxeynayaashu goob joog may ahayn, anaga oo intaas isku  hayna ayaa la galay shirkii Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga waannu igu soo noqday waxaanu igu yidhi,  ‘Faysalow  tii Madaxweynayaashu inay saxeexaan ku taallay ayaan anigaa Indha adage marka la quraacanayo aan u qaybinayaa sidii ayuu yeelay oo Waraaqihii ayuu qaybiyey, qoladii Soomaaliyana way ka daba kaceen oo waxay ka daba qaybiyeen tii kale, arrintiina waxa badbaadiyey Wasiirki Arimaha dibebadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *