xaglo Toosiye MadaarkaHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Dib U dejinta Somaliland Saleebaan Xagala-toosiye ayaa kusoo laabtay dalka. Kadib markii uu

mudo Todobaad ku dhow safar ugu maqnaa dalka Djibouti.

 

Wasiirka oo ay weheliyaan Xildhibaan C/qaadir Indho Indho iyo xubin ka mid ah quraba jooga Somaliland ayaa saaka kasoo degey dhabaha diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanaa  Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye kusoo dhoweeyay Madaarka Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dadweyne kale oo u badan hormoodka Sool iyo Buuhoodle kaga jira golayaasha iyo axsaabta siyaasada.

Wasiirka Dib U dejinta Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada , ayaa sheegay in safarkiisu la xidhiidhay arrimaha shqada wasaaradda oo uu halkaa Djibouti u tegey sidii dalka loogu soo celin lahaa muwaadiniin u dhashay Somaliland oo qoxooti mudo dheer ku ahaa dalka Djibouti.
Wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warar warbaahinta Somaliland maalmihii lasoo dhaafay shaacisay oo sheegayay in uu halkaa Dalka Djibouti  u tegey kadib markii uu ka cadhooday khilaaf ka dhashay arrimo maamul oo la xidhiidha Caawimada Raashin  dhowaan Dawlada Turkigu siisay Somaliland, “Ma jiro Khilaaf aan ogahay warbaahinta ayaa waxaa qoraysay ee iyaga weydiiya, anigu hawlo shaqo ayaan u tegey, waxaana kusoo laabtay dalkaygii.”

Sidoo kale mar la weydiiyay wax ka fulay heshiiskii uu la galay xukuumadda Somaliland sanadkii hore, kadib wada hadalo ay Madaxweynaha Somaliland ku yeesheen Dubai, waxa uu sheegay Wasiir Xagla-toosiye in wax badani ka fuleen heshiishkaa, wixii ka dhimana uu rajaynayo in la fulinayo.

Wasiir Xagla Toosiye ayaa ku dhowaad Todobad  ku maqnaa safar dhinaca dalka Djibouti ah, kaas oo warbaahinta Somaliland la xidhiidhisay inuu ka cadhooday kadib muran ka dhashay Raashinka Caawimada Turkigu bixiyay dhowaan, kaas  oo dhaxmarayWasiirka Dib u dejinta Xagla-toosiye,  Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici iyo haweenayda Agaasimaha ka ah xafiiska Samafalka Madaxtooyadda Aamina Maxamuud  oo sanadkii hore Madaxweyne Siilaanyo hoos geeyay wasaaradda dib u dejinta, balse ay wareegtadaa waxba ka socon waayeen.

Saleebaan Xagla-toosye waa siyaasi dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Deegaanka Buuhoodle, wuxuuna ahaa aasaasayaashii  jabhada SSC, taas oo si weyn u diidanayd Somaliland ,  isla markaana  dagaal kala hortimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markii ay xilka la wareegtay 2010.

Xagala-toosiye oo dhaqaalaha ugu badan ku maamulayay mucaaradka SCC oo fadhigoodu ahaa Buuhoodle oo ah deegaankiisa khaaska ah, waxa uu xukuumadda Somaliland la galay wadahadal  dedaal dheer loo galay, iyadoo  kulankii u horeeyay laysku arkay Djibouti 2012.

Hase yeeshee August 2012 , ayaa mar kale safar ay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai  waxay ku kulmeen  Saleebaan Xagla-toosye, waxayna Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayay kulan ay Xagla-toosiye  kula yeesheen Dubai ku wada gaadheen heshiis dhinaca nabada ah iyo xal loo helo mushlilada khilaafka siyaasadeed iyo gacan ka hadalka dhinaca deegaanka Sool iyo Buuhoodle.

Saleeban Xagala-toosiye ayaa Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Wasiirka Dib U Dejinta Somaliland badhtamihii Oct, 2012, waxayna magacaabistiisu wax weyn ka bedeshay xiisadii dhinaca Buuhoodle ee gacan ka hadalka ahayd iyo dagaaladii weeraradii mararka qaar ay kooxda SCC, ee uu rukunka u ahaa  kusoo qaadi jireen ciidanka qaranka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee soo laabashada maanta ee Saleebaan Xagala-Toosiye oo soo dhowayntiisa siyaasiyiinta kasoo jeeda Sool iyo Buuhoodle ku muujiyeen sida looga taageersanyahay deegaanada ayaa  wax la rumaysan yahay inay ka shaqeeyeen koox ergo ahaan loogu diray, kuwaas oo ku guulaystay in Wasiir Xagla-toosiye ka noqdo is-casilaada  u qorshaysnayd.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *