faysal meeting1London (Arraweelo News) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa kulan aan ujeedadiisa la ogayn la yeeshay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo

Haweenayda Wasiirka Arrimaha Debeda Somalia Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Kulankaa oo ka dhacay Xalay Magaalada magaalada Birmingham oo ah caasimada Labaad ee dalka Britain, ayaan si cad loo ogayn ujeedadiisa, balse waxa lagu war helay Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ay ku kulmeen halkaa wefdiga Madaxweynaha Somalia eek u sugan London.

Lama ogga waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somalia,  wasiirkiisa Arrimaha Debeda iyo Gudoomiyaha UCID, isla markaana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Kulankaa iyo nuxurka uu xanbaarsanaa.

faysal meeting2
Waxaana jira doodo ka dhashay durba markii uu soo baxay warka sheegaya in Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe la kulmay Madaxweynaha Somalia iyo Haweenayda wasiirka arrimaha Debeda Somalia, balse Gudoomiyaha UCID, aya kulamo sidan oo kale ah hore ula yeeshay Madaxda  dawlada Somalia.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo weli  sugan dalka Ingiriiska ayaa xalay magaalada Birmingham kulan kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool  halkaa, iyagoo sidoo kalena kulamo gooni gooni ah la yeeshay  wefdiga Madaxweynaha Somalia  jahliyada Soomaaliya. Kadib markii uu dhamaaday shirkii dhaqaalaha loogu yaboohayay Somalia ee ka dhacay London.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *