Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sheekh C/casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay sanadkii hore ay sabab u noqdeen in dhaqaalaha dalku liico oo ay qoysas badan

 

sabool noqdaan, kadib dhaqaale badan oo ku baxay Kaanbaynkii doorashooyinka oo loo adeegsaday malaayiin dollar oo lacagtaa inteeda badan si khaldan loo adeegsaday.

 

Wasiirka Maliyadda Somaliland Sheekh C/casiis Samaale oo waraysi uu todobaadkan siiyay Telefishanka Qaranka kaga hadlay arrintaa aya yidhi,   “Doorashadii dawladaha Hoose culays wayn oo dhaqaale oo loo baahan yahay in ay wasaaradda maaliyadu dadka u iftiimiso ayay dalka ku keentay, ka dib markii ay doorashadaasi dhacday waxaa dalkeena laga dareemayaa bur-bur dhaqaale oo aad u wayni in uu ku yimi, dad badanina ay sabool noqdeen, kuwaasi oo wixii yaraa ee ay haysteena dadkii ay qaraabada ahaayeen ee tartamayay siiyay, musharixiintaa tartamayay qofka ugu yar ayay ku baxday lacag gaadhaysa kumaan kun doolar, lacagtaasi waa lacag dadka iyo dalka Somaliland ka baxday, waana lacag inteeda badan si qaldan loo isticmaalay oo Qaad iyo sigaar ayaa loo isticmaalay, lacagtaasi inta ay jeebka dadka ka soo baxday ayay gashay wax aan muuqan,waxaan odhan karaa lacag aad iyo aad u badan oo maanta dalkeena ka muuqata oo malaayiin doolar gaadhaysa ayaa baxday”. Ayuu yidhi Sheekh C/casiis.

Hase yeeshee dhawaaqa kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Mr. Samaale ayaa abuuray doodo iyo su’aalo ka dhashay oo ay rayal caamku is weydiinayaan, waxayna doodaha iyo su’aalaha ka dhashay dhawaaqa wasiirka qaybo ka mdi ah Bulshadu u arkeen mid ka turjumaya sida uu dhaqaalaha dalka ugu tudhayo maadaama uu yahay Wasiirkii Maaliyadda oo uu dareenkiisa ka fal celiyay raadadka ka dhashay kaanbaynkii doorashooyinka oo runtii dhaqaale badani kaga lumay dalka, taas oo si weyn loo dareensan yahay  inay galaafatay dhaqaalaha qoyasas badan oo marka horeba la xarbiyayay nolosha.

Balse waxa jira  qaar badan oo mid ah doodaha ka dhashay dhawaaqa Wasiirka Maaliyadda oo ku doodaya, ama  tilmaamaya in dhawaaqa kasoo baxay Wasiir Samaale aanu ahayn mid nasteex ah ee uu yahay oo keliya mid beerlaxawsi ah, kuwo kale oo ka mid ah doodaha rayal caamka ayaa is weydiinaya haddii Wasiir Samaale garwaaqsay in doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo ay lagama maarmaan ahayd in la qabto ay sabab u noqdeen in dhaqaalaha dalku uu waajaho bur-bur, isla markaana ay qoysas badan noqdaan sabool, waxa la odhan karaa waa arrrin xaqiiq ah.

Haddiise Wasiir Samaale uu sidaa u dareemay in Kaanbaynkii doorashada ay ku baxday malaayiin dollar oo sabab u noqotay bur bur dhaqaale, muxuu ugu badheedhay in uu xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye  ugu kala jebiyo dhaqaalaha ee u bilaabay Ololihiisa uu ku doonayo gudoomiyaha Xisbiga, iyadoo la ogayahay  in  wasiirka Maaliyada oo aan  iska casilin  xilkaa uu si badheedha ah u bilaabay loolankiisa kaanbaynka, taas  oo keentay kala qaybsanaan xisbiga dhexdiisa ah, isla markaana ay suurta gal tahay in natiijada kaanbaynkaasu wiiqo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga iyo midnimada xataa deegaanada uu taageerada ka haysatay xisbiga kulmiye.

Mid ka mid ah Culmida waaweyn ee magaalada Hargeysa oo magaciisu yahay Shekh Maxamuud Cabdi C/llahi Geelle, ayaa horaantii bishan ka hadlay dhaqdhaqaaqa kaanbaynka Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sheekh C/casiis Samaale, wuxuuna talo ahaan ugu soo jeediyay talooyin iyo nasteex la xidhiidha loolanka dhaqaalaha uu kaanbaynka ku galay, isagoo yidhi,   “Wasiirka Maaliyada waxan leeyahay Wax laysla Dhexe maraya in habeen dhaweyd aad hotelka Maansoor oo aad Cusuumad Balaadhan aad ku sameysay oo dhaqaale badan aad ku bixisay, hadaba wasiir  waxan u malaynayaa  in aanay lacagtaasi ahayn hanti meel ku taalay laba mid uunbay ka timid ama waa handtidii dadkani lahaa ama waa hanta kaasoo gashay ururka aad ka tirsan tahay ee islaax haddii ay tahay hantidii dalkan iyo haddii tii jameecada kale ee aad ka tirsan tahay tahayba  walaal waxaan ku leeyahay umadani way baahan tahay,  burbur dhaqaale ayaa haysta oo burbur akhlaaqeed baa haysta,  mushkilad caafimaad baa haysata oo dhibaatada umadan haysata lama soo koobi karo Haddii ay jirto lacagta aad halkaa ku kaambayn garaynaysay  waxaan kugula talinayaa imika kaa dhacdaye umadaa lacagtaa u baahane danyarteena agoonteena bukaan keeda haloogu naxariisto oo umada hala galiyo lacagtaasi.”Ayuu yidhi Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle.

Laakiin Sheekh Maxamuud Geelle waxa maalin ka dib loo taxaabay  xabsiga markii  uu talooyinkaa u jeediyay wasiirka Maaliyadda, taas oo loo arkay inay ka dhalatay dhaleecaynta wasiirka Maaliyadda ee uu kaga hadlay dhaqaalaha uu ku isticmaalayo kaanbaynka iyo halka uu ka keenay.

Si kastaba ha ahaatee waxay rayal caamka bulshada Somaliland is weydiinayaan haddii wasiir Samaale garwaaqsaday in kaanbaynkii doorashooyinka golayaasha deegaanku sabab u noqdeen inuu curyaamo dhaqaalaha dalku, waa maxay sababta uu u go’aansaday inuu dhaqaale u adeegsado xiligan kaanbaynkiisa xisbiga dhexdiisa oo sabab u noqon kara kala qaybsanaan iyo inay wiiqanto awooda iyo midnimada Xisbiga Kulmiye.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *