qaraxMuqdisho(ANN)Qarax weyn oo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho ayaa sababay dhismashada 7 Arday  oo saarnaa Bas nooca loo yaqaan Caasiaga, kaas oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo

 

sadex ka mid ah Ilaalada Taliyaha Sirdoonka ee Muqdisho.

 

Sidoo kale waxa qaraxaa dhaawac kasoo gaadhay Taliyihii Sirdoonka ee Muqdisho Khaliif Axmed Ereg iyo qaar ka mid ag Ilaaladiisa, waxaana tirada dadka ku dhaawacmay lagu sheegay ilaa labaatan qof,   kuwaas oo ku sugnaa goobta Maqaaxida Hooyooyinka oo u dhow ex Fiyoora oo aan ka fogayn Tiyaatarka iyo Madaxtooyadda Villa Somalia.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in gaadhiga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha Sirdoonka Muqdisho oo ay hore Al-shabaab ugu dirtay hanjabaado, iyadoo ka hor intaanu gaadhigu qarxin dadka qaar sheegeen in gaadhiga  qarxay uu eryanayay gaadhigaa ay leeyihiin sirdoonka, balse Taliyaha Sirdoonka Somalia Khaliif Ereg  ayaa u sheegay Idaacada VOA in isaga gaadhigiisa la beegsaday oo ay xaaladiisu fiicantahay. Laakiin wuxuu xusay inay ku dhinteen sadex ka mid ah askarta Ilaaladiisa.

Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaa, kaas oo ay sheegeen inuu fuliyay mid ka mid ah kooxda ay ugu yeedhaan istish-haadiga, waxayna xuseen  ujeedada weerarku in ay ahayd mid lala beegsaday  Madaxa Sirdoonka dawlada Somalia ee Muqdisho  Khaliif Axmed Ereg , kaas oo lala xidhiidhiyay xasuuq dhowaan lagula kacay koox dhalinyaro ah oo ku jiray xabsiyada ay maamulaan sirdoonku, balse maydadkooda lagu soo  daadiyay shaaracyada wadooyinka magaalada, taas oo si weyn uga cadhaysiisay shacbiga magaalada Muqdisho, isla markaana uu Raysal Wasaaraha  xukuumadda Mr. Saacid  sheegay inay tahay arrin foolxun oo ay guddi u saareen sababta ay arrintaasi u dhacday.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *