Hargeysa (Araweelo News Network) Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mr. Cali Xaamud Jibriil oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku beddelay wasiiru-dawle cusub, ayaa xilkii uu hayey ku wareejiyey

Wasiirka Wasaaraddaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan.

 

Xaflad maanta lagu qabtay hoolka xarunta Wasaaraddaa oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Waxbarashada, agaasimayaasha guud iyo kuwa waaxyaha, xubno badan oo ka mid ah isu-duwayaasha gobollada ee waxbarashada, qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada waxbarashada caasimadda iyo marti sharaf kale, waxa wasiir-ku-xigeenku si rasmi ah ugu wareejiyey shaqadii uu hayey Wasiir Samsam oo Ku-sime doonta masuulka loo magacaabay oo dibadda ku maqan.

 

Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Waxbarashada Mr. Cali Xaamud Jibriil oo halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in xilka laga wareejiyey uu ahaa ammaano aannu wax ugu qabin Madaxweynaha Somaliland, maadaama uu isagu markii horeba u gartay inuu u magacaabo, “Xilku meerto maaha ee waa ammaano, markaa ammaannaduna marka ciddii kuu dhiibtay kaa dalbato in aad wareejiso waad ku khasban tahay.”

 

Waxa kale oo uu ku dheeraaday baahida Somaliland u qabto in ay horumarto uu ku tilmaamay inuu ku jiro wadajir iyo wada-lahaansho, isagoo soo jeediyey in siyaasad cad wasaaraddu ka yeelato dugsiyada hoyga oo uu saluugay qaababka loo dhiso.

 

“Dugsiyada hoygu (Boodhin) habkan iminka loo dhiso haddii ay ku sii socdaan wadajirkii waxba kama tarayaan, taas oo ah baahida ugu badan ee maanta dalkeennu u baahan yahay, waayo marka degmo kasta la yidhaa dugsi hoy ah ha laga sameeyo waxba kama tarayso is dhexgalkii bulshada,” ayuu yidhi Mr. Cali Xaamud.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo gunnaanadkii madasha ka hadashay ayaa mahadnaq iyo ammaanba u soo jeedisay Mr. Cali Xaamud oo ay ku tilmaantay inuu ahaa nin dhallinyaro ah oo firfircoon, dadaal badan oo jecel had iyo jeer inuu wax qabto, isala markaana qalbi-xaadhan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *