shirgudoonka wakiiladaHargeysa (Arraweelonews) Golaha Wakiillada Somaliland oo waqtigan ay horyaaleen hawlo mihiim u ah qaranka ayaa si lama filaan ah fasax loo geliyay todobaadkii lasoo dhaafay maalin ka dib markii la horkeenay mooshin ku saabsan xeerka

 

Macdanta iyo Shidaalka, kaas oo ay ku saxeexnaayeen 22 mudane oo ka mid ah 82 xubnood ee goluhu ka koobanyahay.

 

 

Gudoomiyaha golahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaan ah gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee sita magaca Mucaaradka, balse hogaamiyohoodu u ekaysiiyay muxaafidka ayaa mooshinkankaa ka sheegay golaha in ay soo gudbiyeen xildhibaano, isla markaana uu yahay mid ansax ah.“Waxaan halkan ku hayaa mooshin ay soo jeediyeen mudanayaal oo ku saabsan xeerka macdanta iyo shidaalka. Mooshinka xeerkan waxa soo qoray 22 mudane, waxana maqan hal mudane, 21 way soo xaadireen oo fadhiga ayay joogaan, sidaana wuu ku nsaxay mooshinkaasi, golahana annagaa ku soo war-celin doonna,” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Sidoo kale Xeerka Booliska oo golaha horyaalay, isla markaana ka mid ahaa xeerarka sida weyn qaranku baahida ugu qabo meel marintooda, ayaa hakad galay dhawr jeer oo la filayay in golaha wakiiladu is dhaafiyo, balse shirgudoonka oo dano iyo ujeedooyin gaar ah u adegsanaya ayaa ka caga jiiday meel marintiisa, taas oo sababtay in mudanayaasha qaarkood qodobada dood ka keenaan, iyagoo doonaya in aan la marin golaha xeerkaa ilaa qodobo saamayn gaar ah ku yeelanaya saraakiisha Booliska ee uu khuseeyo xeerku si kale loo dhigo, ama laga saaro. Laakiin shirgudoonka iyo mudanayaal tiro yar oo ku weheliya qorshaha lagu hakinayo xeerka Booliska ayaa ku guulaystay in meel layska dhigo waqtigan.

 

 

Hawlaha mihiim ah ee golaha horyaalay, isla markaana la filayay in wax ka qabtaan ka hor inta aanay gelin fasaxa bisha Barakaysan ee Ramadaan, wax aka mid ahaa Mooshinka ay 22 mudane oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golaha wakiiladdu ka koobanyahay ku dalbadeen in si deg-deg ah loo sameeyo Xeerka baahidka weyn loo qabo waqtigan ee (Petroleum Law), kaas oo xiliggan wax weyn ka tari lahaa muranka ka taagan heshiisyada iyo qandaraasyada dhinaca shidaalka ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkaddaha shisheeye ee ay sheegtay inay dalka ka baadhayaan shidaal.

 

 

Hase yeeshee Maalin kadib oo la filayay in shirgudoonku golaha kusoo war celiyo si mooshinka ahmiyada weyn u lahaa qaranka si loogu codeeyo in laga doodo, ama jiha kale oo waafaqsan xeerka golaha loo mariyo, waxa lagu war helay in shirgudoonku gebi ahaanba fasax geliyay golaha wakiiladda, wuxuuna Gudoomiye Cirro safar ugu baxay dalka Djibouti, isagoo gabood ka dhiganaya inuu ka qaybgelayo munaasibada dalka Djinouti ku xusayeen sanadguuradii kasoo wareegtay markii ay gumaysigii Faransiiska ka qaateen xornimadooda.

 

 

Talabadda shirgudoonka wakiiladdu sameeyay ee xiligan golaha ku geliyay Fasax deg deg ah oo lasoo qadimay ayaa lagu fasiray mid qayb ka ah qorshayaasha siyaasadeed iyo hagardaamooyinka Gudoomiye C/raxmaan Cirro ku hagayay golahaa sadexdii sanandood ee u danbeeyay ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo mudadii la diyaarinayay xeerarkii doorashooyinka ee golayaasha deegaanka iyo tartankii doorashooyinkii Ururada iyo axsaabta qaranka ay bulshadu si weyn u xuusantahay khiyaamooyinkii Gudoomiye Cirro kula kacay qaranka iyo qaabkii uu xeerarka khuseeyay ururadda iyo doorashooyinka uga dhigtay shaadh uu isku cabiray . kadibna u gashaday bulshada si uu doorashada usoo saaro Ururkii uu samaysatay ee WADDANI, kaas oo si badheedh ah uu ugu maamulay dhaqaalihii iyo miisaaniyaddii golaha wakiiladda, isagoo ku dhowaad kala badh golahana xildhibaanada ugu darsaday Liiska Ururkiisa, taas oo horseed u noqotay inuu gaadho ujeedadiisa siyaasadeed, isagoo adeegsanaya shuruucda iyo xeerarkii uu ku sargooyay siyaasadiisa awooda iyo dhaqaalaha xilka uu qaranka u hayay ee u adeegsaday himilooyinka iyo qorshayaashiisa siyaasadeed, isla markaana dhegaha ka furaysatay canbaarayntii kaga imanaysay raysal caamka bulshada iyo siyaasiyiinta tartanku ka dhexeeyay.

 

 

Gudoomiyaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro, isla markaana ah Gudoomiayaha Xisbiga WADDANI, waxay isaga iyo saaxiibadiisa shirgudoonku noqdeen gacanta Midig ee Madaxtooyadda, taas oo Xisbiga uu hogaamiyo u bedeshay inuu galo kaalintii xisbiga muxaafidka ee Xukuumiga, balse talaabada siyaasadeed ee Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland iyo saaxiibadiisa shirgudoonku waqtigan ku majarahabaabiyeen hawlaha mihiimka ah ee horyaalay golaha, ayaa u muuqda kuwo bedelkooda in meesha laga saaro loo adeegsaday dhaqaalle badan.

 

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo labadii sanadood ee u danbeeyay waxay waday qorshayaal iyo heshiisyo la xidhiidha arrimaha Shidaalka iyo Macdanta, kuwaas oo aan la marin heshiisyadooda golaha Wakiiladda ee Dastuurku ku waajibay Xukuumadda inay hordhigto, balse xukuumadda oo ka faa’idaysanay shirgudoonka ganacta Midi gee Madaxtooyadda noqday, mudanayaasha lagu laaluushay qandaraasyada iyo jiritaan la’aanta axsaab mucaarad ah, waxay bilawday inay qorshayaasha siyaasadeed iyo hawlaha dhinaca shidaalka ee ay la gashay shirkaddaha iska fushato.

 

 

Hase yeeshee muran iyo khilaaf ka dhashay bilawgii hawlaha shidaalka qaabka loo maamulay iyo qandaraasyada lagu bixiyay eexda ayaa sababay in caqabado hakad geliyay hawlahaa lasoo dersaan. Sidoo kale waxa arrimahaa ka dhashay doodo dhinaca bulshada iyo dadka khuburada aqoonta u leh qaabka loo maamulo khayraadka dalka, waxaana doodahaa kasoo ifbaxay in ay lagama maarman tahay ka hor inta aan la gelin heshiiska dhinaca shidaalka loo baahanyahay diyaarinta xeerka (Petroleum Law), kaas oo la’aantii aan heshiis shidaal iyo macdan midna lala geli Karin shirkaddo iyo shaqsiyaad toona, wuxuuna Mooshinka dabayaaqadii Todobaadkii hore golaha wakiiladda la horgeeyay rajo iyo yidiilo geliyay dadka indhaha ku hayay arrimahaa ee danaynayay in la helo xeer tilmaamaya qaabka Khayraadka dalka loo maamulayo iyo xeerkii lagu maamuli lahaa heshiishyada shirkddaha shisheeye, ama waddaniga ah ee dhinaca shidaalka iyo Macdanta.

 

 

Inkasta oo mooshinka xubnaha 22 xildhiban ku saxeexnaayeen u muuqday mid soo nooleeyay hawlihii golaha wakiiladda oo mudoooyinkii u daneeyay aan hadalhayntooda iyo mawduucyo la xidhiidha hawlaha loo igamaday oo ay ka hadlayan aanay Bulshadu maqlin. Sidaa awgeed ay talaabaddaasi rajo iyo yididiilo gelisay bulshada, Laakiin waxa taa barbar socotay su’aalo ka taagnaa halka mooshinkasi ku danbaynayo iyo mudanayaasha laga xaadiriyay magacyadooda liiska xubnaha saxeexay dad badani ku sifeeyeen in aanay ahayn kuwo daacad ka ah meel marinta mooshinkaa iyo sidii sharci loogu bedeli lahaa, balse aanay ujeedadoodu dhaafsiisnayn oo keliya rux-ruxasho iyo sheekooyinkii dhameelka ee ragaadiyay hawlihii ay qaranka u qaban lahaayeen golaha wakiiladda oo ah golaha sharci dejinta, isla markaana awoodiisu waqtigan si weyn u diciiftay. Kadib markii dano siyaasadeed iyo qorshayaal xidhiidhsan madaxtooyadda iyo ilaa shirgudoonka xoghayaasha madaxtooyadda isu bedelay iyo xildhibaanada ku mamay qandaraasyada lagu laalusho ay xadhkaha isku xidhteen, taas oo gebi ahaanba lumisay ujeedooyinkii iyo hawlihii dastuurku ku waajibayay golaha ee xilkiisa.

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in aanay mushkilada golaha wakiiladdu ahayn oo keliya shirgudoonka, balse mudanayaashu ku foofeen danohooda shaqsi iyo siyaasadahooda gaarka ah. Sidaa darteed xubnaha golaha u gudbiyay mooshinka diyaarinta xeerka macdanta iyo Batroola, waxay aqbalaada iyo raali ahanshaha in shirgudoonku daaqada ka saaro mooshinkaa u muuqataa mid bilawgiiba aan macne badan ku fadhiyin ee la doonayay keliya in dhaameel lagaga qaato xukuumadda, taas oo u sahashay shirgudoonka isu bedelay xogahayayaasha madaxtooyadda ee gudoomiye Cirro iyo saaxiibadii u fududaysay inay joojiyaan mooshinkaa sidaana lagu fasaxo fadhgiyadii golaha.

Warbixin Shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *