Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay qado-sharafeed uu Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u sameeyay xubnaha wasiiradda cusub ee

dhowaan Madaxweyne Siilaanyo magcaabay, kuwaas oo isugu jira  Wasiiro,  Wasiirul dawleyaal iyo Wasiir ku xigeeno.

Xaflada qadasharafeeda ah oo maanta ka dhacday Huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa kale oo ka qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenadda Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Hoggaanka KULMIYE.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa oo xafladaa ka jeediyay hadal kooban, isagoo  sheegay inuu soo dhawaynayo Wasiirrada cusub ee ku soo biiray Golaha Xukuumadda Somaliland, wuxuuna usoo jeediyay inay dedaal iyo waxqabad muujiyaan oo ay gutaan xilka iyo waajibaadka qaranka ee Madaxweynuhu u igmaday, isla markaana wuxuu u rajeeyay in Illaahay u fududeeyo xilkaa.
Sidoo kale Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sidoo kale Wasiirrada cusub ku bogaadiyay xilalka loo magcaabay, wuxuuna usoo jeediyay inay xilkooda u gutaan si dastuuri ah oo ay  ka shaqeeyaan horumarinta dalka.
Qaar ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Wasiirradda oo ka dareen celiyay casuumada Gudoomiyaha Kulmiye u sameeyay ayaa ka mahad celiyay qadasharafeeda uu ku maamusay iyo martiqaadka uu ku sharfay, waxayna balanqaadeen inay gudan doonaan waajibaadkooda shaqo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *