Berbera(ANN)Wasiirka wasaaradda MaaliyadaSomaliland, Warsame Siciid Cabdi  oo socdaal kedis ah oo uu ku tegey saaka xarunta gobolka Saaxil ee Berbera ayaa sheegay in cashuuraha dalku aanay sidii la rabay u soo xaroon. Kadib markii uu kormeer ku maray goobaha dakhli ururinta ee

xafiisyada wasaaradda maaliyaddu ku leedahay halkaa.
Wasiir Ku xigeenka  oo saaka xili hore  ku  jarmaaday goobaha dakhli ururinta, isla markaana sida ay  warar la xidhiidha booqashadiisu sheegayaan  uu goobaha qaarkood uga sii horeeyay shaqaalihii wasaaradda maaliyadda ee  ka hawl galayay halkaa.
Wasiir Ku Xigeenku wuxuu kormeerkiisa ka bilaabay xafiiska wasaarada maaliyaddu ku leedahay madaarka Berbera, ka dibna waxa uu soo kormeeray Xafiiska cashuuraha berriga iyo xafiisyada kale ee Kastamka Berbera.
Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Maaliyada Warsame Siciid Cabdi oo kormeerkiisa ka dib saxaafada u waramayay ayaa socdaalkiisa  ku tilmaamay mid lagu dardar gelinayo ururinta dakhliga iyo cashuuraha dalka, wuxuuna isagoo booqashadiisa ka hadlayaya yidhi,  “Waxaanu Berbera oo ah halka dhaqaalaha dalku ka soo xeroodo ku imi kormeer hawleed oo aan saaka xili hore kaga  soo kalahay Hargaysa, ujeedadayda ugu weyni waxay ahayd sidii aan ugu dhiiri galin lahaa shaqaalaha Maaliyada in ay wadanka u soo xereeyaan cashuuraha oo dakhliga loo kobciyo” .

Wasiir ku Xigeenku waxa uu ku dooday in cashuuruhu aanay sidii la rabay u soo wada xeroon isagoo  yidhi,  “Wasaaradayadu waxay dawlada wakiil uga tahay dakhli ururinta iyo cashuuraha oo runtii aan sidii la rabay u soo xeroon, markaa socdaalkaygu wuxuu salka ku hayaa dar dargalinta waaxyaha Maaliyada Gobolka, Runtii aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhamaan maamulayaasha iyo gudoomiyaha Gobolka oo wada shaqayn fiicani ka dhexayso.”
Dhinaca kale, Maamulaha Xafiiska cashuuraha Barigga Berbera Maxamed Ismaaciil (Keeno-diid), oo u warbixin siiyay Wasiir Ku Xigeenka ayaa ku dooday inay lixdii bilood ee la soo dhaafay ay soo xereeyeen dakhli u dhigma miisaaniyadii sannadkii hore ee 2010-kii.
Balse Maamuluhu waxa uu ku eedeeyay Ganacsatadda qaarkood  inaanay sidii la rabay u bixin cashuuraha macaashal macaashka, waxaanu ganacsatadaa ugu baaqay inay bixiyaan  cashuuraha ku maqan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *