Bin Laden Washington(ANN )Aqalka Cad ee Maraykanka  ayaa markii u horaysay soo bandhigay  cajalado Video ah oo tiradooda lagu sheegay  Shan Video, kuwaas oo ay daawadeen  masuuliyiin kooban oo ka mid ah Madaxda Maraykanka iyo weriyayaal tiro yar oo ka socday warbaahinta reer galbeedka.  Cajaladahaa

 

qaarkood  ahaayeen kuwo lagu qiyaasay in la duubay intii u dhaxaysay Oct –Nov 2010 ayaa ka mid ahaa qalab la sheegay  in laga helay guriga ay maraykanku sheegeen inay ku dileen hogaamiyihii al-qacida ee Usma binu laden.
Laakiin cajaladaha ayaa suxufiyiinta arkay sheegayaan inay ahaayeen kuwo aan gebi ahaanba lahayn cod, isla markaana aanay  ku arag wax muujinaya inuu Usama joogay guriga weerarka lagu qaaday ee k u yaala Pakistan oo ay Maraykanku ku adkaysanayaan in lagu dilay.    Muuqaalada mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu ahaa fariin tijaabo ah oo loo malaynayo inuu Usama ugu talo galay Maraykanka, sidoo kale fariin kale ayaa la sheegay inay ahayd Usama oo daawanaya  Telefishanka Al-carabiya  oo sii deynaya barnaamij isaga ka hadlaya, waxaana weriyayaasha daawacady sheegayaan in halkaa uu ka muuqdo Usama  oo ku fadhiya flood, isla markaana sita duubka uu caanka ku yahay iyo koodhka sawiradiisa inta baddan ee la hayo,  balse  waxay  dadka daawaday  cajaladuhu  sheegayaan in aanay gebi ahaanba ahayn kuwo cod leh, sidaa awgeed aan  ilaa hada la hayn  wax  cad oo muujinaya in Usama Lagu dilay weerarkii ay ciidamada kamaandowsta  maraykanku ku qaadeen 2 May todobaadkii hore guriga ku yaala Abbott bad ee dalka Pakistaan.

Dilka Usama ee Maraykanku sheegtay waxa ka dhashay muran weyn oo xataa weli ka aloosan gudaha wadanka Maraykana, isla markaana rayal caamka dunida ayaa weli aan rumaysnayn intooda badani in  dilka Usama aan lahayn waxyaabo markhaati u noqon kara maamulka Obama, isla markaana  cajaladaha  dawladda Maraykanku soo bandheen ayaan weli ahayn kuwo madawga ka saaraya  muranka ka taagan arrintaa, iyadoo aanu Maraykanku weli soo bandhigin    cadaymo muujinaya inay hogaamiyihii Al-qaacida Usama Bunu Laden  ku dileen gurigaa oo qiyaastii 800 mtr u jiray xarun weyn oo ciidamada Milateriga Pakistaan ku leeyihiin duleedka magaalada Abbott bad. halkan hoose riix si aad u daawato Video

http://youtu.be/XGcV0vzn1qg
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *