Hargeysa (ANN)Wefti  ka koobnaa Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, Badhasaabadda iyo Maayaradda dalka qaarkood, xubno ka socday Ururada Bulshada iyo shirkadaha ganacsatada  ayaa kasoo laabatay kulan balaadhan oo  ay kagaga qaybgaleen  dalka Djibouti, kaas oo  ay  dawlada

Maraykanku soo qaban qaabisay, isla markaana ujeedadiisu ahayd  in  lagu darso mashaariic  horumarineed oo  Maraykanku uu qorshaynayo markii u horraysay inuu si toos ah u siinayo Hay’addaha dawliga ah ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Weftigan oo ka koobnaa 73 xubnood waxay isugu jireen 3, Wasiir, 13 Maayar, 4 Badhasaab, xubno ka socday Ururada bulshada iyo ganacsatada dalka waxaana hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose.
Shirkaas oo ay maamulkiisa iyo qabanqaabadiisa lahayd  Hay’adda USAID ee dawladda maraykanka u qaabilsan macaawimooyinka  waxa uu socday muddo shan maalmood ah,  waxaana lagu lafo guray sidii mudnaanta loo kala siin lahaa mashaariic ay ku baxayso $ 3Mly saddex Milyan oo Dollar.

Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo saxaafada warbixin kooban ka siiyay shirkaa iyo ujeedadiisa markii ay maanta kasoo degeen madaarka Caasimada Hargeysa waxa uu  yidhi,  “Shirkan waxa lagu darsayay mashaariic la siinayo Hay’addaha dawlada ee Somaliland waxa waday Hay’adda  USAID,  waana laba qeybood oo qeybtan imika waxa weeye sadex Milyan oo Dollar waxaana mashaariicdan toos gacanta looga gelinayaa qandaraasleyaasha iyo ururada Bulshada taasi oo loogaga faa’iidaynayo dawlaha hoose iyo Wasaaradaha waxaanay mashaariicdaasi ay bilaabmayaan dhawaan.”

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo dhiniciisa sharaxaad ka bixinaya shirkaa iyo waxyaabihii ay kala kulmeen ayaa sheegay in dawlada Maraykanku ay wax ka bedeshay siyaasadeedii la xidhiidhay dhinaca kaalmooyinkeeda ku wajahan Somaliland, wuxuuna  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Shir wanaagsan ayaanu ka soo qeyb galay oo runtii aad aragto in aqoonsigii uu qarka inoo soo saaran yahay oo ay Maraykanka ka go’an tahay inay ina ictiraafaan. Maadaama oo ay kaalmooyinkii ay wax ka bedeleen oo imika ay tahay wax wadda qeybsiga.”

“Waxa nala socday dadkii shacbiga ahaa oo arkaya wixii loo qabanay kana qeyb galaan ka hadalka mashaariicda arrintaasina waa wax weyn oo runtii na raali gelisay,”ayuu yidhi Mr. Xaabsade oo la hadlayay saxaafada markii ay galabta kasoo degeen madaarka magaalada hargeysa, wuxuuuna kulankaa ka sokow sheegay inay ka qaybgaleen xafladii munaasibada Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele  oo ku guulaystay doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaa oo dib loogu doortay, wuxuuna sheegay in munaasibadaa Madaxweynaha Djibouti  oo madaxweynaha Somaliland u wakiishay inay ka qeyb galaan wefti ka kooban shan wasiir si wanaagsan loogu soo dhaweeyay oo aan lagala mid dhigin Soomaaliya ee ay la mid ahaayeen wufuuda dalalka kale ka timi ee munaasibadaa ka qaybgalay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *