cabdi dheereHargeysa(Araweelo News Network)Wasiir Ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdi Daahir Camuud (Cabdi-dheere) ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo sheegay in laga reebay weftiga Somaliland uga

 

 

qeyb geli doona jawiga labaad ee wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya uu ka furmo dalka Turkiga.

Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay inaan Faysal Cali Waraabe lagu aamini Karin masiirka ummadda oo aan la geyn Karin fagaareyaal caalami ah.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee cusub Cabdi Daahir Camuud oo ka mid ahaa xubnaha Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magcaabay, isla markaana hore u ahaa mudanayaashii hore ee Wakiiladda Somaliland Cabdi Daahir Camuud waxa uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray, kaas  oo u dhignaa sidan:- “Waxaan jecel ahay in aan ummada u sheego in Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe  ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo jaahwareer isaga iyo xisbigiisiiba, Soomaalidu waxay tidhaahdaa geela awrkiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn,  waxaan uga jeedaa waxaan xalay Telefishanka horncable ka daawaday faysal oo tawaawacay oo leh waxaa la iga reebay shirka turkiga ee wefdiga Somaliland uga qaybgelaya diyaargaroobayaan.

 

Hadaba Faysal Cali Waraabewaxaa uu ka mid yahay saaqidiinta siyaasada kuwa ugu waaweyn waayo ninka hogaamiyaha ah waxaa laga rabaa haddii uu guulaysan waayo in uu ka dego gudoonka iyo hogaanka xisbiga oo uu dhan uga baydho si uu xisbigiisu u badbaado may dhicin ee Faysal waxaa uu ku sugay ilaa iyo inta uu ka waalanyey bal hada eega hadalada uu raaciyo warbaahinta isaga oo aad moodo nin waalan oo aan u meel deyayn hadalkiisa waliba ilaahay ka qaaday wixii nuxurka la odhan jiray.

 

Si kastaba ha ahaatee Faysal Cali Waraabewaxaa uu ka mid yahay saaqidiinta ma gudbaanka ah ee siyaasada Somaliland waxaana taa kuu cadaynaya inta jeer ee uu xisbigiisu guul keeni waayey isla markaanu uu isagii hadana sii hor fadhiyo iyo hadalada aanu u meel dayeyn kuwaasi oo ay ugu baxeen naanayso badan.

 

Waxaan ummada u sheegayaa in aanu Faysal ahayn nin dhan,  isla markaana uu ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo hinaase, sidaa awgeed waxaa marag ma doon ah inuu faysal qaaday talaabo kasta oo uu dan mooday haddii ay tahay orod badan haddii tahy hadal waxbase uu ku waayey.

 

Waxaa kale oo faysal hinaasaha ku riday isaga oo arkay in aanu gaadhi karayn xukuumadda kulmiye oo dhaqaajisay maamulkii dawldnimo. Hadaba in kasta oo uu yahay xisbi sharci ah hadana hogaanka xisibigu wuu khalkhalsan yahay markaa ilama ah in la aamino waayo waxba waanu qarin karayn markaaba wuxuu sheegayaa sirtii lagu wada hadlayey,si kastaba ha ahtee waxaan u sheegayaa ummad in qof kasta oo siyaasada ku saaqida aan la ddhegaysan waxna aan laga qorin waayo waxa uu ka mid yahay Faysal Cali Waraabesaaqidiinta siyaasada Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *