Qahira(Arraweelo News) Cadli  Mansuur oo mudo dheer ahaa gudoomiye xigeenka Maxkamadda Sare dhowaana mudadii kala guurka dalka Masarna loo magcaabau Gudoomiyaha Guddoomiyaha maxkamadda destuuriga ah ayaa si deg deg ah

 

 

loogu dhaariyay jagada Madaxweynaha Dalka Masar maanta. Kadib markii ay xalay Afgenbiyeen Ciidamadda Milaterigu Madaxweyne Mursi oo duufaano mudaharaad ah oo soo noq noqday ku socdeen tan iyo markii xukunka loo doortay  dhawr bilood ka hor.

 

Hogaamiyaha militeriga Masar ka tureen xukunka Maxamad Mursi, oo ah Madaxweynihii ugu horreyay oo si dimuqraadiyad ah loo soo doortay, isla markaana mud ka yar sanad xukunka hayay, ayaa noqonaya Madaxweynihii u horeeyay ee si dumuqraadi ah loo doorto, balse muda yar xukunka afgenbi lagaga tuuro.

Militeriga la wareegay taladda dalka ayaa sidoo kale sheegay inay meesha ka saareen destuurka dalka Masar, kaas oo sanadkii hore la ansixiyay, isla markaana  si dumuqraadi ah loogu doortay Madaxweynaha la afgenbiyay oo mudo ka yar sanad hayay xilkaa.

 

Taageerayaasha Mursi ayaa tallabada Milateriga  ku gacansaydhay, waxayna sheegeen inay tahay afgembi ay militeriga ku kaceen oo aanay aqbali doonin , Waxa weli sii soconaya dibedbaxyada lagu diidanyahay Mursi, iyo kuwa lagu taageersanyahay, kuwaas oo ka dhacaya dalka oo dhan.

 

Afhayeen u hadlay xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda ee Mursi ayaa sheegay in taageerayaasha xisbiga ay ka hortagi doonaan isku dayga ah in dib loo celiyo dimuqraadiyadda dalkaa,  balse Mucaaradka ayaa soo dhaweeyay tallabada militeriga, waxayna ku doodayaan in Mursi uu ku fashilmay maammulidda dalka mudadii sanadka ee uu xilka hayay.

Dhinaca kale hogaamiyayaasha dunida ee dawladaha waaweyn iyo wadamada qaarkood ayaa ka hadlay arrintaa, kuwaas oo jawaabo kala duwan ka bixiyay. Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa ka dhacay dalka Masar.

Dowladda Maraykanka ayaa  kaalmada dhaqaale ee ugu badan siisa dalka Masar, waxayna sheegtay inay dib u eegayso arrintaa, balse waxa loo fasiray dhawaaqaa mid dublamaasiyadeed.

Sidoo kale Xukuumadda Dalka Britain ayaa sheegatay in ay tahay arrin badbaado u ah dalka, iyagoo indhaha ka laliyay dhacdadaa oo ah mid wadamada reer galbeedka ee hore u sheegi jiray inay taageeraan dumuqraadiyada ay si debecsan uga hadleen, iyagoo aan canbaarayn afgenbigaa.

Dalka Israil ayaa ka muquurtay inay ka hadlaan arrintaa, balse wadamada carabta ayaa qaarkood soo dhoweeyeen, halka kuwo kalena ay ka gawsqabsadeen dhacdadaa oo weli aan la saadaalin Karin saamaynta ay ku yeelandoonto mustaqbalka dalka Masar.

Dhacadada yaabka leh ayaa noqotay kadib markii xalay intii aanu dhicin Inqilaabku Wasiirka difaaca Masar Cabdi Fataax Alsiisi oo ka mid ahaa xubnaha golaha waiiradda Musri bayaan kasoo baxay ciidanka xoogga wadankaaTelefeshinka ka akhriyay, isagoo sheegay in ay casileen madaxweynihii wadankaa Mursi,  islamarkaana maalinimada berri ah uu xilka madaxtinimada si KMG ah loogu  dhaarin doono guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo markaa ka dib lagu warhelay kumanaan ka tirsan ciidanka dowladda oo lagusoo daadiyay waddooyinka magaalada Al Qaahira, kuwaas oo gebi ahaanba deg deg ula wareegay dhammaan xarumaha dowladda. Sidaana xukunka lagaga tuuray Madaxqweyne Musri oo kaso jeeday Ururka Ikhwaanka oo mudo ku dhow sagaashan sandood usoo halgamayay inay mar xukunka dalka gacanta ku dhigaan.

Musri digiin 48 saacadood ay Milaterigu ugu qabteen oo ahayd in xal lo helo qaska iyo muranka siyaasadeed oo socday sadexd maalmood , wuxuu diiday inuu jawaab ka bixiyo, taas oo sabab u noqotay inay kusoo dhiiradaan arrinta Mailateriga Masar. Waxaana mudadii uu socday kacdoonka iska soo horjeedaa ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca daraasiin ku nafwaayay iyo boqolaal dhaawacyo kasoo gaadheen rabshadahaa, iyadoo marba mark aka danbaysa xaaladu faraha kasii baxaysay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *