Nimco Hossen GawdanHargeysa(Araweelo News Network) Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka WHO ayaa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka qaab khaldan oo qarsoodi ah ugu dirtay Magalaada

Muqdisho ee xarunta Dawlada Somalia, iyadoo aan waxba kala socod siin wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka kooban sadex  qof oo ah saraakiisha Talaalka ee Goboladda dalka qaarkood, kuwaas oo ay Hay’adda WHO u dirtay Muqdisho, balse wasaaradda Caafimaadka ayaa arrintaa ka cadhootay sida ay shebekadda wararka ee Arraweelo news heshay, iyadoo Wasiir ku xiggeenka Caafimaadku qoraal ku wajaahan arrintaa u dirtay xafiiska WHO ee Hargeysa.

 

Hase yeeshee Weriye ka socda Shebekadda  Arraweelo news  ayaa wax ka weydiisay arrintaa Wasiir ku xiggeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan  si ay jawaab uga bixiyaan wasaarad ahaan wixii ay kala socdaan arrintaa.

Wasiir ku xiggeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan  oo la weydiiyay  waxa ay kala socdaan arrinta WHO shaqaale wasaaradda ka tirsan ugu dirtay Muqdisho iyo inay jirto talaabo ay ka qaadeen, waxay tidhi, “Way jirtaa arrintaasi, Anigu waxan ku jiray Gudidi qaban-qaabada  18 May. Wasiirkiina wuxuu ka qaybgalay shir Caalami ah oo Geneva lagu qabtay, Axaddii oo dadku ku jiray Fasax waxa ila soo hadlay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo ii sheegay arrintaa in sadex qof oo shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka ee Gobolada Togdheer, Awdal iyo Sanaag loo diray Muqdisho oo Hay’adda Who dirtay, waxaan markaa kadib la xidhiidhay Hawlwadeenka u fadhiya WHO Hargeysa, waxay ii sheegtay in aanay arrintaa waxba kala socon.

Markaa ka dib waxan la xidhiidhay sarkaalka qaybta Talaalka u qabilsan Hay’adda WHO, wuxuuna qiray inay arrintaasi jirto oo ay weliba doonayaan inay qaar kale shaqaalaha ka tirsan u qaadaan Muqdisho, waxan u sheegay Sarkaalkaa inay talaabada Who ay qaaday tahay mid khaldan in ay noo gacan dhaafaan shaqalaha, isla markaana waxan ku wargeliyay in ay kusoo celiyaan sadexdaa qof sida ugu dhakhsaha badan, wayna jirtaa inaan warqad u qornay shalay anagoo u sheegay inay 48 saacadood kusoo celiyaan shaqalaha ay qaadeen ee Muqdisho geeyeen waana ka war sugaynaa.” Ayay tidhi Wasiir Nimco.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mawro Nimco oo la weydiiyay ujeedada ay u tageen shaqaalahaasi Muqdisho iyo talaabada ay wasaarad ahaan qaadayaan haddii ay mudada ay u qabteen Who kusoo celin weydo shaqaalaha, waxay tidhi, “waxa lagu arkay halkaa raadad Booliyada Dabaysha ah, markaa waxay u tageen halkaa oo loo geeyay inay ka qayb qaataan Kaanbaynka Cudurka dabaysha oo ah mid duul duula, iyadoo shanti sanadood ee u danbeeyay Cudurkaa aan lagu arag Gobolka geeska Afrika, balse hadda lagu arkay Muqdisho meelo ka mid ah.

Who, waxay naga taageertaa wax badan, laakiin ma xukunto shaqaalahayaga, xaqna uma laha inay shaqaalahayaga Xamar geyso, mudada aanu u qabanay wixii ka danabeeyana waxaanu qaadan doonaa go’aan aanu arrintaa “ ayay tidhi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo shebekadda wararka ee Arraweelo news.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *