Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay safiirka Midawga Yurb u QaabilsanHargeysa(Araweelo News Nerwok)Midawga Yurub ayaa qorshe cusub usoo bandhigay Xukuumadda Somaliland kadib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maanta  xafiiskiisa

ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso, kaas oo ay ka wada hadleen qorshahaa iyo  arrimo kale oo dhawr ah.

Kulankaa kadib waxa warbaahinta wadajir ula hadlay Wasiirka Arrimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland  Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, wuxuuna Wasiirku isagoo sharaxaad ka bixinaya kulankaa yidhi, “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimi  Safiirka Midowga Yurub ka socday Ambassador Michele Cervone d’Urso, waxaanu  ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba inuu midowga Yurub ka caawiyo Somaliland.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen Ambassador Michele  mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland  oo ay ku wada shaqaynayaan labada dhinac Xukuumadda Somaliland iyo Midawga Yurub.
Wasiirka Arrimaha Debeda Somalikand iyo wakiilka Midawga Yurub
Dr. Maxamed C/llaahi waxa uu sheegay inay Midawga Yurub uga mahad celinayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin  iyo sidoo kale in Somaliland Midawga Yurub Caawimooyinka ay siinayaan aan loo marin Dawlada Somalia, taas oo wasiirku sheegay in ay dawlado Yurub ah si toos ah awalba u siin jireen caawimooyinka,  isla markaana ay isla qaateen oo ay ka mid ahayd waxyaabihii ay ka wada hadleen, iyadoo  sida uu xusay dhaqaalaha ay siinayaan Somaliland ku dhisnaan-doonto  dhaqaalaha dalka iyo qarankaba.

 

Dhinaca kale, Ambassador Michele Cervone d’Urso oo warbaahinta la hadlay kulankaa kadib ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo arrimhii ay ka wada hadleen oo sida uu sheegay ay isku  afgarteen labada dhinac Midawga Yurub iyo Xukuumadda Somaliland sidii iskaashiga  loo samayn lahaa sadexda sanadood ee soo socda,  si kor loogu qaado dhaqaalaha Somaliland, iyadoo mashaariicda laga fulinayo Somaliland loo jihaynayo kobcinta adeegyada aasaasiga ah iyo dhinaca horumarinta.

Ambassador Michele waxa uu sheegay in qorsha haa cusub ee ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland, taasna ay si fiican isugu af-garteen. Sidoo kalena Ambassador Michele waxa uu sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen sidii ay Somaliland uga qaybgeli lahayd shir Dhaqaale loogu ururinayo Somalia oo dhawaan lagu qabn doono Xarunta Midawga Yurub ee Breselis.

Balse Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland oo la weydiiyay inay aqbaleen ka qaybgalka shirkaa ayaa sheegay in ay Ambassador Michele u sheegeen inay ka qaybgalka shirkaa go’aan ka qaadan doonaan marka la gaadho.  

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *